4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 15, 2012
Madaxweynaha Somalia oo sheegay in Dowladdu ay Mas'uul ka tahay Maamul u sameynta Gobollada Jubbooyinka
Khamiis, November 15, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo shir jaraa'id ku qabtay xarunta madaxtooyada Soomaaliya shalay oo Arbaco ahayd ayaa kaga hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin maamul u sameynta gobollada dalka, wax ka qabashada ammaanka iyo dhoofinta dhuxusha taalla Kismaayo.


Shirka jaraa'id ee madaxweynaha oo ahaa midkii ugu dheeraa ee uu qabto tan iyo markii loo doortay xilka madaxnimo ee Soomaaliya ayuu ku sheegay in dowladdu ay mas'uul ka tahay maamul u sameynta gobollada Jubbooyinka iyo gobollada kale ee dalka.

"Maamul u sameynta gobollada Jubbooyinka dowladda ayaa mas'uul ka ah sida ay mas'uulka uga tahay maamul u sameynta gobollada dalka oo dhan. Markaan leeyahay maamul u sameynta Jubbooyinka dowladda ayaa mas'uul ka ah ma ahan macnaheedu Xamar intaan fariisto ayaan dad u magacaabayaa, laakiinse dowladdu waxay mas'uul ka tahay fududeynta habka iyo nidaamka ay dadka deegaannadaas deggen ku sameysanayaan maamullada. Waxayna taageeri doonnaa maamullada ka dhalan doona deegaannadaas inta ay isaga fillaanayaan," ayuu yiri Xasan Sheekh.

Madaxweynuhu wuxuu ku sifeeyay shacabka gobollada Jubbooyinka ku nool kuwo nabadeed, isagoo xusay in colaadaha 20-kii sano ee lasoo dhaafayay ka dhacayay ay ahaayeen kuwo meelo kale laga soo abaabulay, isagoo sheegay in dowladdu ay ka hortagayso in colaadihii horay u soo maray dib loogu celiyo gobolladaas.

Sidoo kale, madaxweynaha Soomaaliya, wuxuu soo hadal qaaday dhuxusha taalla magaalada Kismaayo, isagoo sheegay in guddi qiimeyn kusoo sameeya ay dhawaan u magacaabi doonaan, isagoo xusay in guddi ay horay u magacaabeen balse cillad farsamo awgeed aysan hirgelin howshii guddigaas loo magacaabay.

"Dowladdu waxay doonaysaa inay go'aan ka gaarto dhuxusha taalla Kismaayo oo ay ganacsato Soomaaliyeed xoog iyo maal badan ka galay, go'aankeennuna waa xal laga gaarayo dhuxusha iyo inaan dib dambe loo jarin dhirteenna," ayuu shirkiisa jaraa'id ku sheegay madaxweynuhu.

Ganacsatada dhuxusha ayuu ugu baaqay inay dowladda la shaqeeyaan si xal waara looga gaaro dhuxusha 4-milyan ee loor ah ee taalla Kismaayo, isagoo sheegay inay dowladdu doonayso in xalka ugu wanaagsan laga gaaro dhuxushaas; sidoo kalena la is-waafajiyo in dhuxushaan xal loo helo dib dambena aan dhirta loo jarin.

Dhanka kale, madaxweynaha Soomaaliya wuxuu ka hadlay ammaanka isagoo xusay inuu dareensan yahay inay jiraan habacsanaan dhinaca hay'adaha cadaalada iyo amniga, isagoo shacabka ka dalbaday inay dulqaad yar muujiyaan inta laga saxayo hay'adahaas.

"Shacabka Soomaaliyeed waxaan ugu digayaa inay taageeraan dambiilayaasha ka soo horjeeda nabadda, marka ciidamada ammaanku soo qabtaan dambiilaha yuusan noqon reer hebel. Dhibaato loo geysanayo ma jirto sharciga wuxuu ku xukumo ayaa lagu fulinayaa," ayuu Xasan Sheekh ku yiri shirkiisa jaraa'id.

Ugu dambeyn, madaxweynaha Soomaaliya wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya ay dadaal u galay sidii ay dalka dib ugu celin lahayd mid nabadoon, isagoo sheegay inay xoogga saari doonaan dib u soo celinta ammaanka guud ee dalka.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya