4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 14, 2012
Ardayda Jaamacada Gabiley oo Dibadbax kale dhigay iyo Ciidamada Amniga oo xirxiray qaar Ardayda ka mid ah
Arbaco, November 14, 2012 (HOL) — Ardayda jaamacada Gabiley ee Tima-cadde University, ayaa maanta mar labaad mudaharaad balaadhan ka dhigay magaaladda Gabiley, kaas oo ay kaga cabanayaan guddida doorashooyinka Somaliland oo ay sheegeen in aanay wax jawaab ah ka helin codsi ay u direen in sida jaamcadaha kale  loola dhaqmo oo laga hawlgaliyo goobaha doorashooyinka ka dhici doonaan.

Ardaydan jaamacada Gabiley  oo ay wehelinayaan ardayda dugsiyada sare iyo dadweyne shacab ah ayaa doonayey inay ku beegan safar uu madaxweynuhu ku marayey Gabiley, haseyeeshee madaxweynaha ayaa toos u dhaafay magaaladda Gabiley oo aan ku hakan, isagoo ku sii jeeda magaaladda Boorame ee gobolka Awdal.

Haseyeeshee ardaydan oo aad u farobadan oo qaarkoood ka xanaaqsan yihiin inuu madaxweynuhu ku hakan waayo magaaladdooda iyo qaar kale oo badan oo iyana hore ugu sii qorshaysnaa inay mudaharaad ku hor dhigaan madaxweynaha si ay u tusaan sida ay uga xun yihiin qaabka ay guddida doorashooyinku ula dhaqmeen jaamacadoodda ayaa keentay inay isku dhacaan ciidan badan oo magaaladda la keenay iyo ardayda mudahraaadka sameeyey, waxaanay ciidanku rideen rasaas badan wallow aanay cidi wax ku dhaqan, balse waxa la sheegayey in dhawaaqa rasaasta magaaladda laga maqlayey.

Goobjooge ku sugan magaaladda Gabiley ayaa HOL u xaqiijiyey inay la xidhay qaar ka mid ah ardaydii mudaharaadaysay, isla markaana ay jiraan arday ay askartu garaaceen oo ay u geysteen jidh dil, kuwaas oo ay askartu si xun u garaaceen dhaawacna ka soo gaadhay feedhaha iyo qaybo ka mid ah jidhka.

 Ardayda jaamacada Gabiley, ayaa maalmihii u dambeeyey si weyn uga cabanayey komishanka doorashooyinka, kuwaas oo aan ilaa hadda jawaab ka helin Guddida doorashooyinka, isla markaaana maanta dareenkooda ku soo bandhigay isku soo bax, wallow ciidanka amniga xoog ku joojiyey mudaharaadkaasi.

Si kastaba ha ahaatee, Maanta oo ahayd maalintii uu xisbiga KULMIYE u lahaa ololaha doorashooyinka, ayaan magaaladda Gabiley sidii looga bartay uga dhicin, waxaana hadheeyey mudaharaadkan ardaydu sameeyeen iyo dad kale oo ka cadhooday in madaxweynuhu orod ku dhaafo magaaladda Gabiley, iyagoo sugayey inuu ku yara hakaddo magaaladda oo u diyaar garoobay soo dhoweyntiisa,  balse madaxweynuhu u dhaafay dhinaca Magaaladda Boorame, waxaase la filayaa inuu madaxweynuhu soo noqodka ku hakan doono, isla markaana kulan la yeelan doono waxgaradka iyo madaxda gobolkaasi.

Barkhad-Ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland