4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 14, 2012
Madaxweynaha Soomaaliya iyo Xarunta Madaxtooyada kula kulmay Wafdi ka socday Shirkadda Dhismaha ee Dalka Shiinaha
Arbaco, November 14, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wafdi ka socday dowladda Shiinaha kula kulmay maanta oo Arbaco ah wafdi ka socday dalka Shiinaha oo uu hoggaaminayay madaxa shiradaha dalka Shiinaha ee dhinaca dhismaha Afrika.

Kulanka madaxweynaha iyo wafdigan oo saxaafaddu ay dibadda ka joogtay ayaa waxaa ayaa looga hadlay sidii ay dowladda Shiinaha uga qayb-qaadan lahayd dib u dhiska Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada, caafimaadka, duulimaadka iyo dib u soo celinta kaabeyaasha dhaqaalaha.

Markii uu kulanku soo dhammaaday ayaa waxaa saxaafadda si wadajir ah ula hadlay Madaxa dhismaha dowladda Shiinaha, Lee Woo isagoo sheegay in kulanka ay la yeesheen madaxweynaha looga hadlay sidii ay dowladda Shiinuhu uga qyb-qaadan lahayd dib u dhiska iyo hormarinta Soomaaliya.

La-taliyaha shirkada oo isna hadlay ayaa sheegay in dowladdiisu ay Soomaaliya ka caawin doonaan taageero dhan walba ah. Isagoo yiri: "Waxaan ku talo jirnaa inaan Soomaaliya keeno illaa 49-shirkadood oo howlo kala duwan ka fulin doona halkan.”

Madaxweynaha Soomaaliya ayaan la haldin saxaafadda, iyadoo wafdigan uu noqonayo kii ugu horreeyay oo dowladda Shiinaha ka socda oo Soomaaliya yimaada tan iyo markii lasoo doortay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Imaanshaha wufuudda kala duwan ee maanta booqashada ku yimid Muqdisho ayaa waxay kusoo beegmayaa iyadoo maalintii shalay ahayd la ansixiyay xukuumadda tirada yar ee Soomaaliya, taasoo laba ka mid ah ay yihiin haween.

Dowladda Shiinaha ayaa waxay horay mashaariic kala duwan uga fulisay Soomaaliya kuwaasoo ay ka mid ahaayeen dhismaha xarunta tiyaatarka Muqdisho, garoonka kubadda cagta ee Muqdisho Stadium, Isbitaalka Banaadir iyo xarumo kale oo fara badan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya