4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 14, 2012
Wafdiyo ka kala socday Wadamada Turkiga iyo Iiraan oo Muqdisho Booqasho ku tagay lana kulmay Madaxda Soomaaliya
Arbaco, November 14, 2012 (HOL) — Magaalada Muqdisho ayaa waxaa maanta soo booqday wafdiyo heer caalami ah oo ka socday dalalka Turkiga iyo Iiraan oo saaxiib dhow la ah Soomaaliya, waxaana wafdiyadan ay kulammo la qaateen madaxda dowladda iyo xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya.

Wadiyadan oo ay kala hoggaaminayeen wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga, Axmed Da'ud Oogle iyo wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Iiraan, Cali Akbar Saalixi ayaa waxay labaduba sheegeen inay u yimaadeen sidii ay gacan u siin lahaayeen shacabka iyo dowladda Soomaaliya.

"Farxad weyn ayay ii tahay inaan kusoo laabto Soomaaliya, waxaan halkan u imid inaan garab-istaagno walaalaheenna Soomaaliyeed, waayo isbedel weyn ayaa dalka ka dhacay," ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga oo sheegay inay sidoo kale u kuur-galayaan mashaariicda uu Turkigu ka wado Soomaaliya.

"Turkigu waxay doonayaan inay baarlamaanka Soomaaliya dib u dhis ku sameeyaan, Injineerradeena ayaa soo booqday xartuntan waxayna arkeen inuusan dhismahan ahayn mid wanaagsan, sidaa daraadeed waan burburinaynaa waxaana ka dhigaynaa xarun casri ah," ayuu yiri wasiir dibadbadeedka Turkiga oo sheegay inuu dhismaha qaadanayo muddo hal sano ah. Isagoo xildhibaannada ku yiri: "Marka dambe ee aan soo noqdo waxaan doonayaa inaan halkan idin kula hadlo."

Wasiirka arrimaha dibadda ee Iiraan, Cali Akbar Saalixi ayaa sheegay isaguna in socdaalka uu ku yimid Muqdisho ay qayb ka tahay sidii ay u furi lahaayeen safaaraddii Iiraan ay Soomaaliya ku lahayd, sidoo kalena ay u hirgelin lahaayeen xarun caafimaad oo ay dowladda Iiraan maal-gelinayso.

"Soomaaliya waxay kasoo gudubtay caqabado badan, xilligana waxaa ka jira iftiin hormar oo wanaagsan, annaguna waxaan halkaan u nimid furista safaaradii Iiraan iyo xarun caafimaad oo ay maal-gelinayso dowladda Iiraan," ayuu yiri Saalixi.

Wafdiyadan ka kala socday dalalka Iiraan iyo Turkiga ayaa waxay kulammo kala duwan la yeesheen madaxweynaha Soomaaliya, iyagoo kala hadlay isbedelka ka dhacay Soomaaliya, waxayna labadan wasiir ee wafdiyadan hoggaaminayay ay u sheegeen madaxweynaha inay sii wadi doonaan caawinta shacabka Soomaaliyeed.

Ammaanka magaalada ayaa aad loo adkeeyay intii ay wafdiyadan ku sugnaayeen Muqdisho, waxaana wafdiyadan garoonka diyaaradaha Muqdisho kusoo dhaweeyay wasiirro ka tirsan xukuumadda cusube ee Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya