4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 14, 2012
Madaxweynaha Somaliland oo safar ku tagay Gobolka Awdal, Isagoo xadhiga ka jaray Mashaariic laga hirgeliyay Gobolkaas

Arbaco, November 14, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland Md: Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo wefti balaadhan oo uu hogaaminayo, ayaa maanta safar shaqo ku tagay magaaladda Boorame ee xarunta gobolka Awdal.

Madaxweynuhu Waxa uu xadhiga ka jaray waddo isku xidhaysa degmadda Dillla iyo Boorame, kaas oo ay maalgalisay xukuumadda Somaliland, waxa kale oo uu xadhiga ka jaray laba waddo oo ay dawladda hoose ee magaaladda Boorame ka Hirgalisay iyo xafiisyo casri ah oo loo dhisay kastamka Boorame.

Madaxweynaha Somaliland ayaa sheegay inuu magaaladda Boorame u yimid sidii uu xogogaal ugu noqon lahaa xaaladda gobolka ka jirta, isagoo sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu xadhiga ka jaro mashaariic ay dawladdu ka fulisay gobolka Awdal.


 Madaxweynaha ayaa dadweyne faro badan kaga hor yimaadeen degmada Dilla ee gobolka Awdal, halkaasi oo uu dadweynihii soo dhoweeyey kala hadlay, isla markaana uu u mahadnaqay dadweynihii soo dhoweeyey, waxaanu markiii dambe xadhiga ka  jaray waddo lix killo mitir ah oo dawladdu kharashkeedda bixisay, taas oo isku xidhi doonta Degmada Dilla iyo Boorame, iyadoo qayb waddadan ka mid ahna hore uu madaxweynuhu uu xadhiga uga jaray.

Madaxweynaha ayaa baryahan dambe bilaabay safar shaqo uu gobolada ku gaalaa bixinayo, taas oo dadka qaar ku eedeeyeen in madaxweynuhu xisbiga kulmiye uu u ololaynayo, maadaama oo uu safarada uu gobolada qaar ku tagay ku beegay wakhtigii ololaha, haseyeeshee, madaxweynuhu si toos ah uma muujin olole xisbi, wallow mashaariicdan uu xadhiga ka jarayo ay tahay mid uu ku faanayo, isla markaana uu wakhtigii uu  mucaaradka ahaa balamihii uu dadweynaha u balanqaaday ka mid tahay, taasina ay muujinayso inuu dadweynaha tusayo waxqabadkii xukuumadda iyo xisbiga taladda haya qabteen.





Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland