4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 14, 2012
Hay'adda CCD oo Culummaa'uddiin u Qabatay kulan looga hadlay Haweenka sida khasabka ah lagu guursado

Arbaco, November 14, 2012 (HOL) — Hay'adda wadahadalka bulshada ee CCD ayaa waxay magaalada Muqdisho ugu qabatay 200 oo ka tirsan culummada Ahlu-sunna kulan looga hadlayay haweenka sida khasabka ah laug guursado, kuwaasoo eedeyn u jeediyay Xarakada Al-shabaab.

Munaasabadda furitaanka kulanka ayaa waxaa ka hadlay culummaa'uddiin ka tirsan Ahlu-sunna Waljameeca kuwaasoo ay ka mid ahaayeen: Sheekh Muuse Maxamed Caga-weyne, Sheekh Axmed Siyaar, Sheekh Axmed Sheekh Aadan Dheere (Sheekh Axmed Shuqul) iyo kuwo kale.

Sheekh Cabdulqaadir Soomow oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in diinta Islaamka aysan ka mid ahayn in haweenka si lagu guursado, isagoo Al-shabaab ku eedeyay inay gabadhaha ku guursadaan si khasab ah; isagoo shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay ka hortagaan falalkaas iyagoo kaashanaya culummadooda.

"Waxaan kula talinayaa gabdhaha sida khasabka ah lagu guursaday inay u tagaan culummada ayna u soo bandhigaan bandhigaan dhibaatadii loo geystay si ay u waafajiyaan kitaabka ALLE iyo shareecada Islaamka," ayuu yiri Sheekh Soomow.

Sidoo kale, Sheekh Axmed Shuqul oo isaguna khudbad ka jeediyay kulankii maanta ayaa sheegay in hoggaamiyaha Al-Qaacida, Ayman Al-Zawaahiri uu lug weyn ku lahaa dhibaatadii ka dhacday Soomaaliya laga soo billaabo sannadkii 1993-kii.

"Dhallinyarada weli aaminsan afkaarta Al-Qaacida waa inay kasoo noqdaan, waayo Al-Qaacida dalkan waxaan dagaal iyo burbur ahayn uma hayaan," ayuu yiri Sheekh Axmed Shuqul oo dhinaca kale hoosta ka xariiqay in, Al-Zawaahiri uu doonayo inuu mar kale dhibaato ka abuuro gudaha Soomaaliya.



Sheekh Muuse Macallim (Caga-weyne) oo ka hadlayay mid ka mid ah lix su'aal oo la soo hordhigay culummada kuna saabsanaa gabdhaha Soomaaliyeed ee xoogga lagu guursaday ayaa sheegay in mar haddii meesha xoog yimid aanu jirin marnaba nikaax isla markaana guurkaasi khasabka ah canuggii ku dhasha ay fari ku jirto.

"Waxaan rabaa inaan shacabka u sheego nikaax xoog kuma ansaxayo diinna shaqo kuma lahan," ayuu yiri Sheekh Muuse Caga-weyne oo sheegay inay soo baxeen rag hareer maray dardaarankii Nebiga CSW.

Sheekh Axmed Siyaar oo ka mid ah culummaddii Soomaaliyeed ee ku caan baxay faafinta diinta Islaamka ayaa ka hadlay afkaarta Al-Qaacida iyo saameynta ay ku yeelatay dalka Soomaaliya, wuxuuna si diini ah uga hadlay in qof ama shacabka heysta diinta Islaamka lagu tilmaamo riddo oo uu sheegay in arrintaasi ay tahay mid lagu deg-degayo oo aan loo marin habka ay tilmaantay shareecada Islaamka.

Mar uu ka hadlay Sheekh Axmed Siyaar gabdhaha ay xooga ku guursadeen xubnaha ka tirsan Al-shabaab iyo Al-Qaacida ayuu sheegay in gabdhihii kasoo laabta ay u hayaan mustaqbal wanaagsan, wuxuuna sheegay in gabdhaha Soomaaliyeed ee la qafaalay xaalkoodu laba midood ay ku dambeynayo iyadoo loo marayo tilmaamaha ay ka bixineyso shareecada Islaamka.

Ugu dambeyn; waxaa kulanka ka hadlay culummo kale kuwaasoo sheegay inay ugu weyn dhibaatada shacabka haysata gabdho xoog lagu guursanayo, taasoo ay ku kacaan kooxaha Al-shabaab iyo Al-Qaacida; iyagoo shacabka ugu baaqay inay si wadajir ah uga hortagaan.








Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya