4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 14, 2012
Xildhibaan C/raxmaan Xoosh: Baarlamaanka Soomaaliya waxaa lagu sameeyay Afduub

Arbaco, November 14, 2012 (HOL) —Xildhibaan Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo ka mid ah mudanayaasha Baarlamanka Soomaaliya ayaa sheegay in ansixintii golaha wasiirada ay u dhacday si aan waafaqsanayn sharciga.

Masuulkani  oo hore usoo qabtay xilka wasiirka dastuurka xukuumaddii Dr. Gaas ayaa sheegay in gudoomiyaha baarlamanka Soomaaliya uu afduub ku sameeyay mudanayaasha Baarlamanka, isagoona sheegay in gudoomiyaha uu ku xadgudbay shuruucdii dastuurka.

“Barnaamijka waxay ahayd in ay soo darsaan xildhibaanada, shuruucdii ayuu meel uga dhacay, taasina waxay keeni kartaa oo uu dhigayaa sharciga in haduu gudoomiyaha baarlamanka waxyaalahan oo kale ku kaco in la casili karo, waana bilaabeynaa sidaan u casili lahayn,” ayuu masuulkani hadalkiisii raaciyay.

Xildhibaan Xoosh ayaa hadalkiisii raaciyay “Qodobka 97-aad waxay ahayd in la raaco, mida kale waxay ahayd caadada siday ahaan jirtay in baarlamanka la siiyo 24 saacadood in ay soo aqristaan barnaamijka. Barnaamij aan soo aqrisan aan soo falanqeyn ayuu yiri hala ansixiyo dowladda.”

Masuulkani ayaa sheegay in ay la shaqeyn doonaan xukuumadda Dr. Saacid, balse wuxuu tibaaxay in gudoomiyaha baarlamanka uu ku xadgudbay dastuurka islamarkaasina ay tallaabo ka qaadi doonaan.

Xidlhibaan xoosh ayaa kamid ahaa 30 xildhibaan oo u ololeyneysay in ra’isul wasaare Saacid uu soo dhameystiro xukuumaddiisa kahor inta aan la anisixin.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya