4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 14, 2012
WASIIRKA DIFAACA SOOMAALIYA: "Qorshaheennu waa sidii dalka looga saari lahaa Al-shabaab laguna soo celin lahaa Ammaanka"
Arbaco, November 14, 2012 (HOL) — Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi ayaa sheegay in wasaaraddiisu ay dib u habeyn ku sameyn doonto ciidamada xoogga dalka, isagoo sheegay in la xoojin doono dagaalka laugla jiro Xarakada Al-shabaab inta laga saarayo dalka oo dhan.


Mudane Fiqi wuxuu sheegay inay muhiimadda koowaad siinayaa sidii ay dib u habeyn ugu sameyn lahaayeen ciidamada milateriga Soomaaliya, taasoo ay qayb ka tahay sidii ciidamadu ay u heli lahaayeen xuquuqdooda oo ay ka mid tahay mushaar, taakuleyn joogto ah iyo dib u dhis.

“Qorshaheenan cusub waxaa saldhig u ah in Al-shabaab laga saaro guud ahaan dalka si ammaanka loosoo celiyo, shacabkuna ay ugu noolaadaan nabad iyo xoriyad buuxda. Waxaana rumeysanahay in qorshahan uu hirgalayo haddii shacabka iyo ciidamadu ay iskaashadaan," ayuu yiri wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya.

Wasiirku wuxuu ugu baaqay dagaalyahannada Al-shabaab inay joojiyaan dagaallada ay wadaan ayna ka mid noqdaan shacabka, isagoo xusay in haddii ay fursaddan ka faa'iideysan waayaan inay ciqaab adag la kulmi doonaan.

"Dagaalyahannada Soomaalida ah ee Al-shabaab ka tirsan waa inay ka tanaasulaan fikirkooda ayna ka baxaan Al-shabaab, kuwa ajnabiga ahna waa inay dalalkoodii ku laabtaan, haddii kale waxaad ku baabi'i doontaan howgallada socda," ayuu yiri wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya.

Sidoo kale, wasiirku wuxuu faahfaahin ka bixiyay qorshaha dib u dhiska ciidamada dowladda Soomaaliya, isagoo sheegay in dib u dhiska ciidamada uu yahay qorshaha ugu horreeya ee ay ku guuleysan karaan, isagoo xusay in ciidamada la siin doono tababarro dheeraad ah, bil walbana ay heli doonaan mushaaraadkooda iyo xuquuqaha kale ee ay leeyihiin.

"Ciidammo aan helin mushaaraadkooda ama xuquuqahooda aasaasiga ah waxay ila tahay inay adag tahay inay noqdaan ciidan asluub leh, sidaa daraadeed waxaan ku dadaali doonnaa sidii ay ciidamada milaterigu ku heli lahaayeen xuquuqaadkooda aasaasiga ah, ayna bil walba u helaan mushaarkooda, askarigii dagaallada socda wax ku noqdana waxaa la siin doonaa xuquuqaadkiisa oo ay ka mid tahay midda caafimaadka,” ayuu yiri C/xakiin Fiqi.

Ugu dambeyn, wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya oo wareysi siinayay Raadiyaha ku hadla afka dowladda Soomaaliya, ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay gacan siiyaan ciidamada dowladda ee dagaalka kula jira Al-shabaab, sidoo kalena kuwa dibadda ku nool ayuu ugu baaqay inay dalkooda kusoo laabtaan oo ay qayb ka qaatan dib u dhiskiisa.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya