4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 14, 2012
Warbixin ku saabsan Tababarro ay Ciyaatooyda Xulka Qaranka Soomaaliya ku Qaadanayaan Magaalada Kampala [Sawirro]

Arbaco, November 14, 2012 (HOL) — Waxaa garoonka kubadda cagta ee Nambole Stadium ee ku yaalla magaalada Kampala ee xarunta Uganda ka socda tababar aad u adag oo ciyaartooyda xulka Qaranka Soomaaliya ay ugu diyaar-garoobayaan ka qaybgalka ciyaaraha Bariga iyo Bartamaha Afrika ee CECAFA oo 24-ka bishan ka furmaya magaalada Kampala.

Soomaaliya waxay la ciyaartoonta xulalka Burundi, Suudaan iyo Tanzania, waxaana ciyaarta ugu horeysa kula yeelan doontaa xulka ka socda waddanka Burundi 25-ka bishan garoonka Namboole.

Tababaraha xulka Qaranka Soomaaliya, Cabdi Faarax Geella ayaa HOL u sheegay in  xifradda ciyaartooyda ay ka soo reynayso, isla markaana ay si wanaagsan u qaadanayaan tababarka.

“Waxaan la qabsannay cimilada dalka iyo cowska garoonka, is fahan wanaagsanna waan ka dhex abuureynaa ciyaartooyda, maadaama ay ka kala yimaadeed dhowr dal iyo dhowr kooxood, waxaana ku kalsoonnahay sida ay shaqada u wadaan illaa hadda” ayuu yiri Gella oo intaas ku daray.

“Sanadkan waan ka fiicannahay sannadihii hore... kalsooni buuxda ayaan ku qabnaa inaaan guulo ka keeni karno ciyaarahan, waayo fursadda uu xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta u siiyay ciyaartooyda inay tababar ku qaataan muddo laba todobaad ah dalka ay ciyaaruhu ka dhacayaan waxay abuurtay jawi noo sahlaya inaan iska dhicinno dalalka kale, isla markaana ciyaartooydu ay niyad ka helaan wada joogistooda mudadaas,” hadalkiisa ku daray.

Macallin Geelle oo qaab ciyaareedkiisu yahay 5-3-2 ayaa sheegay in difaac ahaan kooxdu ka wanaagsanaan doonto sidoo hore, dhinaca weerarkana uu is bedel la taaban karo ka jiro, isagoo sheegay inuu hadda ku wareersan yahay kala xulashadooda.

“Waxaan ciyaari doonna sadex kulan oo ciyaaro saaxiibtinimo ah, kuwaas oo aan la ciyaareyno kooxaha heerka koowaad ee dalka Uganda ee kala ah: Baza Holdings iyo SC Villa, waxaana qiimeyn ku sameyn doonaa qaab ciyaareedka xulkeenna iyo sida ciyaartooydu u soo bandhigaan xirfadooda, markaas kaddib ayaan kala xuli doonaa ciyaartooyda” ayuu Macallin Geella yiri.

Geella wuxuu sheegay in sababta uu ciyaarahan saaxiibtinimo u diyaariyay ay tahay sidii uu ku ogaan lahaa meelaha qaladaadku ka jiro, taasoo uu sheegay inay u sahleyso in si deg-deg ah loo saxo, ka hor billowga tartanka.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in dhibaatada ugu weyn ee Soomaaliya ay tahay garoon la'aanta iyo jawiga colaadaha, taasoo sababtay in ciyaartooydu aysan heli karin xero ay ku tababartaan.

Macallin Geella ayaa sidoo kale u mahadceliyay jaaliyadaha Soomaliyeed ee Holland, Ingiriiska, Mareykanka iyo Kuwait, kuwaasoo illaa lix ciyaaryahan u soo diray xerada tababarka ee xulka Qaranka Soomaaliya iyo jaaliyadda Uganda oo soo dhaweyn wanaagsan ay kala kulmeen.

Dhawaan la soco wareysiyo kale oo aan la yeelanay qaar ka mid ah ciyaartooyda gudaha iyo dibada ka kala yimid.



Faarax Blue, Hiiraan Online
Kampala, Uganda
[email protected]