4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 14, 2012
RA'IISUL WASAARE SAACID: "Waxaa naga go'an muddada aan xilka haynno in aan soo celinno Karaamadii Soomaalida"
Arbaco, November 14, 2012 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shir-doon (Saacid) ayaa sheegay in xukuumaddiisa ay ka shaqeyn doonto sidii ay dib ugu soo celin lahayd karaamadii ay Soomaaliya ku lahayd caalamka, isagoo ku daray hadalkiisa inay dib u habeyn ku sameyn doonaan hay'adaha ammaanka ee dowladda Soomaaliya.

Mudane Saacid, wuxuu sheegay in xukuumaddiisu ay ka shaqeyn doonto sidii ay dib ugu buuxin lahayd kuraasta urrurrada ay Soomaaliya xubnaha ka ahayd, ayna dib u hagaajin doonaan safaaradihii ay Soomaaliya ku lahayd caalamka.

"Afarta sano ee aan shaqeynayno waxaa naga go'an inaan dib u habeyn buuxda ku sameyno dhammaan safaaradaha ay Soomaaliya ku leedahay dibadda, sidoo kelena waxaan xoojin doonnaan xiriirka u dhexeeya Soomaaliya iyo dalalka caalamka," ayuu yiri Cabdi Saacid.

Ra'iisul wasaaraha oo ka hadlay maamul u sameynta gobollada dalka ayaa sheegay inay xukuumaddiisu gacan ku siinayso dadka ku nool gobollada dalka sidii ay maamul u sameynsan lahaayeen, wuxuuna xusay inay aamisan yihiin in dad walba ay iyagu sameystaan maamulkii hoggaamin lahaa.

“Xukuumaddu waxay u fududeynaysaa sidii ay dadku ku sameysan lahaayeen maamul iyaga u gaar ah. Innaga diyaar ayaan u nahay inaan caawino cid walba oo doonaysa inay maamul sameysato meel walba hanala gaartee," ayuu yiri wasiirka koowaad ee Soomaaliya.

Dhanka kale, ra'iisul wasaaraha Soomaaliya wuxuu sheegay in xukuumaddiisu ay ka shaqeyn doonto sidii dib u habeyn buuxda loogu sameyn lahaa ciidamada ammaanka sida booliiska iyo nabadsugidda, si loo adkeeyo ammaanka caasimadda iyo goobihii laga saaray Al-shabaab.

Hadalka ra'iisul wasaaraha ayaa wuxuu kusoo beegmayaa xilli xukuumaddiisa oo ka kooban 10-wasiir oo laba ka mid ah ay yihiin haween ay xildhibaannada baarlamaanku ku ansixiyeen cod aqlabiyad ah.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya