4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 14, 2012
Xisbiyadda Somaliland oo Walaac ka Muujiyey Qodobbo ka mid ah Xeerka ay ku shaqeynayso Hay’adda Sir-doonka Somaliland
Arbaco, November 14, 2012 (HOL) — Xisbiyadda iyo ururadda siyaasadda ayaa si weyn uga qayliyey xeer ay dhowaan soo ansixiyeen labadda gole Baarlamaan, isla markaana madaxweynaha hor yaallo si uu u dhaqangaliyo, kaas oo ay sheegeen inay dhibaato ku tahay xoriyatul qawlka iyo madax banaanidda warbaahinta.

Gudoomiyaha xisbiga UCID  Eng: Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in xeerkan sirdoonka laga soo dheegtay nidaamkii Maxamed Siyaad Bare, isla marakana la doonayo in lagu cabudhiyo dadweynaha iyo warbaahinta, kaas oo dhibaato u keeni karta dadweynaha iyo dimuqraadiyadii iyo xoriyatul qawlkii lagu faani jiray oo meesha ka bixi doonta.

 “Xeerarkan la sameeyay ee ka hadlaya Sirdoonka waxa aad moodaa in laga soo dheegay xeerkii Maxamed Siyaad Bare, waxa aad moodaa in uu yahay mid lagu Cabudhinayo dadka reer Somaliland, la doonayo in wixii aynu ka soo noolaanay ee ahayd Xorriyatul qawlka ka soo horjeeda, ilaa waxa uu doonayaa in dadka reer Somaliland siyaasi iyo cid kastaba la duubo (la dhagaysto), waxa uu fasaxayaa in hadii aad madaxweynaha wax ka sheegto lagu xidho karo”ayuu yidhi gudoomiyaha xisbiga UCID oo sharaxaya sida uu uga xun yahay xeerkan sirdoonka ah ee warbaahinta xanibaya, waxaanu intaas ku daray “waxa aanu ugu baaqaynaa ururada siyaasadda inta madaxa banaan in aanu ka hadalno, dadweynaha iyo ururadda bulshaddana waxa aanu doonaynaa in aanu iska kaashano oo aynaan xeerkaasi sii daynin, waayo qaranimadii Somaliland ayaa meel khatar ah geli doonta”ayuu yidhi.

Waxa isaguna arrintan si adag uga hadlay gudoomiyaha ururka UMMADDA Dr: Maxamed Cabdi Gaboose oo si weyn uga qayliyey xeerkan oo uu ku tilmaamay mid madax banaanidda saxaafadda ka hor imanaysa, waxaanu madaxweynaha ugu baaqay in aanu dhaqan galin xeerkaasi ee uu dib ugu celiyo baarlamaanka si ay wax uga soo bedelaan.

Haseyeeshee, waxa walaacan warbaahinta iyo siyaasiyiintu qabaan waxba kama jiraan ka dhigay wasiir ku xigeenka warfaafinta Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse, kaas oo difaacay xeerkan sirdoonka oo uu sheegay inay faa’iido u leeyahay amniga dalka.

“Baahidda aynu qabno Booliska, Baahidda aynu u qabno CID-da iyo Baahida aynu u qabno Ciidanka qaranka ayaynu u qabnaa Hay’adda Sirdoonka Qarankanna. Dal dhan oo aan xog-ba urursanaynin. Dal dhan oo aan xogba ka haynin nabad-gelyadiisa iyo heerka ay joogto. Dal dhan oo aan xogba ka haynin cida u maleegaysa nabad-gelyo darro. Dal aan xogba ka haynin cadowgiisa dibadda ee ku soo socda. Dal dhan oo la leeyahay xogba ha ka hayninna kuwa nabad-gelyo darrada maleegaya gudo iyo dibadba macquul ma aha in si dadban iyo si toos ahba loogu cel-celiyo oo la yidhaahdo Hay’ad baa sidan ah iyo sidan ah.”ayuu yidhi wasiir ku xigeenka warfaafinta oo difaaceyey xeerkan sirdoonka ee xisbiyada iyo warbaahintuba walaaca ka qabaan.

Si kastaba ha ahaatee, warbaahinta madaxa banaan ayaa maalmihii u dambeeyey sidda fiinta uga qaylinayey xeerkan, kaas oo ay sheegeen inay ku jiraan qodobo ka dhan ah warbaahinta oo tilmaamay in la xidhi karo ama qalabkaasi warbaahinta lala wareegi karo, kaas oo awood dheeraad ah la siinayo sirdoonka, waxanay madaxweynaha ka codsadeen inuu dib u celiyo xeerkan oo aanu dhaqalin galin.

Barkhad-Ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online 
[email protected]
Hargeysa, Somaliland