4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 14, 2012
Askari ku dhintay iyo saddex ku dhaawacmay Rabshad ka dhacday Magaalada Garoowe ee Xarunta Puntland
Arbaco, November 14, 2012 (HOL) — Magaalada Garoowe oo ay dhawrkii maalmood ee ugu dambeeyay ay ka socdeen howlgallo lagu banneynayo xarumihii ay lahaan jirtey dowladdii hore ee kacaanka, ayaa shalay waxaa ka dhacday shaqaaqo uu ku dhintay askari ka tirsan ciidamada Puntland ayna ku dhaawacmeen saddex askari oo kale.

Waxayna bilaabatay kadib markii aroortii hore ee shalay ay ciidammo ka tirsan kuwa dowladda hoose ee Garoowe bilaabeen burburinta goobo ganacsi oo ku yaal agagaarka madaxtooyada, arintaas oo keentay in qaar kamid ah dadkii goobahaas deggenaa ay ka caroodaan.

Si lama filaan ah ayaa ciidamadii howlgalka wadey waxaa rasaas ugu furay dhowr qof oo la sheegay in ay qaarkood ahaayeen askar ka tirsan ciidamada dowladda, waxaana tacshiiraddaas ku geeriyoodey askari ka tirsanaa Minishiibayada, iyadoo ay 3 askari oo kale iyo qof rayid ah oo goobta marayeyna ku dhaawacmeen.

Askarta dhaawaca ah ayaa mid kamid ah xaaladdiisa aad looga dayrinayaa, waxayna falkaas ciidamadu usoo qabteen hal nin, mana jiraan ilaa iyo hadda mas'uuliyiin ka tirsan maamulka degmada Garoowe oo arintaas ka hadlay.

Haseyeeshee saraakiil ka tirsan ciidamada Booliska oo warbaahinta maxalliga ah la hadlay ayaa sheegay in lagu raadjoogo dadkii falkaas geystey, ciidamaduna ay sida ugu dhaqsaha badan gacanta ugu soo dhigi doonaan; si sharciga loo horkeeno.

Shalay ayey ahayd markii ay dowladda hoose ee Garoowe banneysay mid kamid ah xarumihii dowladdii hore, taas oo ahayd xafiiskii xog-hayihiii xisbiga ee magaalada Garoowe, waxaana 21-dii sano ee lasoo dhaafay halkaas ku noolaa dad danyar ah.

Inta badan xarumihii dowladdii Militeriga ee gobolada oo dhan, waxaa sheegta dadkii ku noolaa mudadii burburka, iyagoo sidoo kale ka biyo-diida in ay ka guuraan; haddii lagu amro, arintaas oo mararka qaar ay isku dhacyo ka dhashaan.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
puntland, Soomaaliya