3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 14, 2012
Askari ku dhintay iyo saddex ku dhaawacmay Rabshad ka dhacday Magaalada Garoowe ee Xarunta Puntland
Arbaco, November 14, 2012 (HOL) — Magaalada Garoowe oo ay dhawrkii maalmood ee ugu dambeeyay ay ka socdeen howlgallo lagu banneynayo xarumihii ay lahaan jirtey dowladdii hore ee kacaanka, ayaa shalay waxaa ka dhacday shaqaaqo uu ku dhintay askari ka tirsan ciidamada Puntland ayna ku dhaawacmeen saddex askari oo kale.

Waxayna bilaabatay kadib markii aroortii hore ee shalay ay ciidammo ka tirsan kuwa dowladda hoose ee Garoowe bilaabeen burburinta goobo ganacsi oo ku yaal agagaarka madaxtooyada, arintaas oo keentay in qaar kamid ah dadkii goobahaas deggenaa ay ka caroodaan.

Si lama filaan ah ayaa ciidamadii howlgalka wadey waxaa rasaas ugu furay dhowr qof oo la sheegay in ay qaarkood ahaayeen askar ka tirsan ciidamada dowladda, waxaana tacshiiraddaas ku geeriyoodey askari ka tirsanaa Minishiibayada, iyadoo ay 3 askari oo kale iyo qof rayid ah oo goobta marayeyna ku dhaawacmeen.

Askarta dhaawaca ah ayaa mid kamid ah xaaladdiisa aad looga dayrinayaa, waxayna falkaas ciidamadu usoo qabteen hal nin, mana jiraan ilaa iyo hadda mas'uuliyiin ka tirsan maamulka degmada Garoowe oo arintaas ka hadlay.

Haseyeeshee saraakiil ka tirsan ciidamada Booliska oo warbaahinta maxalliga ah la hadlay ayaa sheegay in lagu raadjoogo dadkii falkaas geystey, ciidamaduna ay sida ugu dhaqsaha badan gacanta ugu soo dhigi doonaan; si sharciga loo horkeeno.

Shalay ayey ahayd markii ay dowladda hoose ee Garoowe banneysay mid kamid ah xarumihii dowladdii hore, taas oo ahayd xafiiskii xog-hayihiii xisbiga ee magaalada Garoowe, waxaana 21-dii sano ee lasoo dhaafay halkaas ku noolaa dad danyar ah.

Inta badan xarumihii dowladdii Militeriga ee gobolada oo dhan, waxaa sheegta dadkii ku noolaa mudadii burburka, iyagoo sidoo kale ka biyo-diida in ay ka guuraan; haddii lagu amro, arintaas oo mararka qaar ay isku dhacyo ka dhashaan.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
puntland, Soomaaliya












Click here
11/14/2012 8:16 AM EST
Arbaco, November 14, 2012 (HOL) — Magaala madaxda Puntland ee Garoowe waxaa maanta looga dhawaaqay urur siyaasadeedkii ugu horeeyey ee la dhiso tan iyo markii la shaaciyey in hanaanka doorashooyinka Puntland uu noqonayo mid ku salaysan nidaamka axsaabta badan.

11/14/2012 7:57 AM EST
Arbaco, November 14, 2012 (HOL) — Ardayda jaamacada Gabiley ee Tima-cadde University, ayaa maanta mar labaad mudaharaad balaadhan ka dhigay magaaladda Gabiley, kaas oo ay kaga cabanayaan guddida doorashooyinka Somaliland oo ay sheegeen in aanay wax jawaab ah ka helin codsi ay u direen in sida jaamcadaha kale loola dhaqmo oo laga hawlgaliyo goobaha doorashooyinka ka dhici doonaan.

11/14/2012 7:44 AM EST
Arbaco, November 14, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wafdi ka socday dowladda Shiinaha kula kulmay maanta oo Arbaco ah wafdi ka socday dalka Shiinaha oo uu hoggaaminayay madaxa shiradaha dalka Shiinaha ee dhinaca dhismaha Afrika.

11/14/2012 7:25 AM EST
Arbaco, November 14, 2012 (HOL) — Magaalada Muqdisho ayaa waxaa maanta soo booqday wafdiyo heer caalami ah oo ka socday dalalka Turkiga iyo Iiraan oo saaxiib dhow la ah Soomaaliya, waxaana wafdiyadan ay kulammo la qaateen madaxda dowladda iyo xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya.

11/14/2012 7:24 AM EST
Arbaco, November 14, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland Md: Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo wefti balaadhan oo uu hogaaminayo, ayaa maanta safar shaqo ku tagay magaaladda Boorame ee xarunta gobolka Awdal.

11/14/2012 6:50 AM EST
Arbaco, November 14, 2012 (HOL) — Hay'adda wadahadalka bulshada ee CCD ayaa waxay magaalada Muqdisho ugu qabatay 200 oo ka tirsan culummada Ahlu-sunna kulan looga hadlayay haweenka sida khasabka ah laug guursado, kuwaasoo eedeyn u jeediyay Xarakada Al-shabaab.

11/14/2012 4:30 AM EST
Arbaco, November 14, 2012 (HOL) —Xildhibaan C/raxmaan Xoosh Jibriil oo kamid ah mudanayaasha Baarlamanka Soomaaliya ayaa sheegay in ansixintii golaha wasiirada ay u dhacday si aan waafaqsanayn sharciga.

11/14/2012 4:25 AM EST
Arbaco, November 14, 2012 (HOL) — Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi ayaa sheegay in wasaaraddiisu ay dib u habeyn ku sameyn doonto ciidamada xoogga dalka, isagoo sheegay in la xoojin doono dagaalka laugla jiro Xarakada Al-shabaab inta laga saarayo dalka oo dhan.

11/14/2012 4:25 AM EST
Arbaco, November 14, 2012 (HOL) — Waxaa garoonka kubadda cagta ee Nambole Stadium ee ku yaalla magaalada Kampala ee xarunta Uganda ka socda tababar aad u adag oo ciyaartooyda xulka Qaranka Soomaaliya ay ugu diyaar-garoobayaan ka qaybgalka ciyaaraha Bariga iyo Bartamaha Afrika ee CECAFA oo 24-ka bishan ka furmaya magaalada Kampala.

11/14/2012 3:44 AM EST
Arbaco, November 14, 2012 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shir-doon (Saacid) ayaa sheegay in xukuumaddiisa ay ka shaqeyn doonto sidii ay dib ugu soo celin lahayd karaamadii ay Soomaaliya ku lahayd caalamka, isagoo ku daray hadalkiisa inay dib u habeyn ku sameyn doonaan hay'adaha ammaanka ee dowladda Soomaaliya.

11/14/2012 3:42 AM EST
Arbaco, November 14, 2012 (HOL) — Xisbiyadda iyo ururadda siyaasadda ayaa si weyn uga qayliyey xeer ay dhowaan soo ansixiyeen labadda gole Baarlamaan, isla markaana madaxweynaha hor yaallo si uu u dhaqangaliyo, kaas oo ay sheegeen inay dhibaato ku tahay xoriyatul qawlka iyo madax banaanidda warbaahinta.

11/14/2012 3:09 AM EST
Arbaco, November 43, 2012 (HOL) —Dagaalyahanno katirsan Al-shabaab ayaa xalay markale weerar madaafiic ah ku qaaday garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo, halkaasoo ay ku suganyihiin ciidamo katirsan kuwa Kenye ee AMISOM.

11/14/2012 2:40 AM EST
Arbaco, November 43, 2012 (HOL) —Dowladda Ingiriiska ayaa soo dhaweeysay tallaabada ay mudanayaasha baarlamanka Soomaaliya ku ansixiyeen golaha wasiirada cusub ee dowladda federaalka Soomaaliya.