4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 14, 2012
Al-shabaab oo weerar madaafiic ku qaaday Garoonka Diyaaradaha Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada Hoose

Arbaco, November 43, 2012 (HOL) —Dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab ayaa xalay markale weerar madaafiic ah ku qaaday garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo, halkaasoo ay ku suganyihiin ciidamo katirsan kuwa Kenye ee AMISOM.

Weerarka oo ahaa mid madaafiic ah ayay dagaalyahanno katirsan Al-shabaab ku qaadeen garoonka diyaaradaha Kismaayo, iyadoona labada dhinac ay isu adeegsanayeen madaafiic aad u culuculus oo laga maqlayay qaar katirsan xaafada magaalada Kismaayo.

Ilaa imika lama garanayo khasaaraha ka dhashay weerarkii xalay, mana jiraan masuuliyiinta katirsan dhinacyadii dagaalamay oo faahfaahin ka bixiyay.

Mudooyinkii u danbeeyay waxa isa soo tarayay weerarrada ay Al-shabaab ka geystaan gudaha iyo daafaha magaalada Kismaayo, waxaana xusid mudan in dhawaan dagaalayahanno katirsan Al-shabaab ay weerar ku qaadeen saldhigga dhexe ee magaalada Kismaayo halkaasoo israsaaseyn xooggan ay ku dhexmartay ciidamada ilaalada saldhigga.

Xarakada Al-shabaab ayaa 28-kii bishii September ee sanadkan isaga baxday magaalada Kismaayo, kadib markii uu culeys xooggan uga yimid dhanka ciidamada huwanta ah, waxaana magaalada Kismaayo imika si buuxda gacanta ugu haya ciidamada dowladda, kuwa Raaskaambooni iyo Militariga Kenya.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya