4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 14, 2012
Dowladda Ingiriiska oo Soo Dhaweysay Ansixinta Golaha Wasiirada Cusub ee Soomaaliya

Arbaco, November 43, 2012 (HOL) —Dowladda Ingiriiska ayaa soo dhaweeysay tallaabada ay mudanayaasha baarlamanka Soomaaliya ku ansixiyeen golaha wasiirada cusub ee dowladda federaalka Soomaaliya.

Wasiirka arimaha Afrika ee dowladda UK Mark Simmonds ayaa warbixin uu soo dhigay bogga safaaradda ingiriiska ee Soomaaliya ayuu ku sheegay in dowladda Ingiriisaka ay si diiran usoo dhaweyneyso ansixinta baarlamanka ee xukuumadda cusub.

“Dowladda Ingiriisku waxay soo dhaweyneysaa ansixinta baarlamanka Soomaaliya ee golaha cusub ee wasiiradda ee 13-Nov, waxaan amaaneynaa tallaabada deg-degga ah ee goalaha u ogolaanaysa inuu si toos ah u shaqo bilaabo, si ay ugu suurogasho in uu si toos ah u guto shaqadiisa si uu u horseedo isbadalka ay shacabka Soomaaliyeed u qalmaan,” ayuu wasiirku hadalkiisii raaciyay.

Masuulkani ayaa sidoo kale sheegay in codka ay siiyeen baarlamanka xukuumadda cusub uu cadeyn u yahay taageerada muuqata ee ay u hayaan golaha cusub, isagoona arin taariikhi ah ku tilmaamay in laba dumar ay xukuumadda cusub jagooyin sare ka hayaan.

Masuulkani ayaa ugu danbeyn sheegay in dowladda ingiriisku ay dowladda Soomaaliya kala shaqeyn doonto dhinaca ammaanka, cadaalladda iyo weliba sii wadidda dib u heshiisiinta siyaasadeed.

Hadalkan kasoo yeeray dowladda Ingiriiska ayaa kusoo beegmaya xilli mudanayaasha baarlamanka Soomaaliya ay maalinimadii shalay cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen golaha wasiirada cusub ee Soomaaliya.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya