4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 13, 2012
Madaxweeynaha Soomaaliya oo Soo Dhaweeyay Ansixinta Xukuumadda Cusub
Talaado, November 13, 2012 (HOL) —Madaxweeynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Max’uud ayaa si diiran usoo dhaweeyay kalsoonida ay mudanayaasha baarlamanka Soomaaliya maanta siiyeen xukuumadda cusub ee uu soo dhisay ra’isul wasaare Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid).

War saxaafadeed kasoo baxay xafiiska Madaxweeynaha Soomaaliya ayaa marka hore loogu mahadceliyay mudanayaasha Baarlamanka oo uu madaxweeynuhu ku amaanay sida ay codka kalsoonida u siiyeen xukuumadda cusub.

Madaxweeynaha ayaa ku amaanay mudanayaasha baarlamanka go’aanka ay ku ansixiyeen xukuumadda isagoona yiri “Tani waxay muujineysaa kalsoonida ay nagu qabaan Baarlmanka sharafta leh iyo Shacabka ay matalaan, waana ku kalsoonaa, oo waan ka filiayey sidan iyo si ka wanaagsan.”

Madaxweeynaha ayaa ka codsaday mudanayaasha baarlamanka iyo shacabka Soomaaliyeed in ay la shaqeeyaan xukuumadda cusub si ay u gudato waajibaadkeeda, isagoona sheegay in shaqsiyaadka masuuliyadda loo dhiibay aysan keligood waxba qaban karin.

Madaxweeynaha ayaa ugu danbeyn ugu baaqay xubnaha cusub ee golaha wasiirada in sida ugu dhaqsaha badan ay u howlgalaan islamarkaasina ay gutaan waajibaadka loo igmaday.

Hadalka madaxweeynaha Soomaaliya ayaa kusoo beegmaya xilli mudaneyaasha baarlamanka Soomaaliya ay maanta cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen golaha wasiirada ee uu soo dhisay ra’isul wasaaraha dowladda federaalka Soomaaliya Dr. Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid).

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya