3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 13, 2012
Ciyaartoy ka tagtay Waqooyiga Ameerika oo Soomaaliya uga qeybgeleysa tartanka Bariga iyo Bartamaha Afrika


Talaado, November 13, 2012(HOL): Waxaa  Gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka ka amba baxay ciyaartooy ka mid noqday  xulka Qaranka Soomaaliyeed, kuwaasi oo  ku sii jeeda Magaalada Kampala ee dalka Uganda, halkaasi oo ay uga  qeybgeli doonaan tartanka  bariga iyo bartamaha Africa ee ka furmaya Magaalada Kampala.

 

Xulka Kubadda Cagta Qaranka Soomaaliyeed ayaa la rajeynayaa in uu natiijo wax ku ool ah ka soo hooyo tartankan bacdamaa ay xulka qaranka lagu soo daray ciyaartoy leh xirfad sare oo dhinaca Kubadda Cagta ah.

 

Qabanqaabiyaha ciyaartooydan u amba baxday ka qeybgalka tartanka bariga iyo bartamaha Afrika Macallin Cabdi Shukri ayaa HOL u sheegay inay hawl adag aheyd in ay diyaariyaan ciyaartoy u ciyaarta xulka qaranka Soomaaliya, kuwaasi oo dalka dibaddiisa ku koray, wuxuuse sheegay in ay taasi nasiib wanaag ku guuleysteen.

 


"Ugu horreyntii waxaan u mahad celinayaa  macallinka ciyaartooydan Mohamed Ahmed (Carab) oo waqti badan galiyey iyo xiriirka kubadda cagta Somalia gaar ahaan Abdiqani Saciid Carab iyo Macalin Geelle" ayuu yiri Macallin Cabdi Shurki.

 

Macallin Shukri oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas ku daray in howshan uu qabtay ay gacan ka siiyeen rag Isboorti oo ay ka mid yihiin Cabdicasiis Mahdi,  J. Blue iyo dhammaanba Bahda Isboortiga ee had iyojeer  jecel horumarinta Isboortiga Soomaaliya eek u sugan Waqooyiga Ameerika, kuwaasi oo uu sidoo kale ka xusay Khalif Riiko, Dr. Ahmed Wali Hilowle, Macallin Mahdi Cawaale iyo Guddoomiye Bashiir Geelle, Xuseen Cawaale, Inj. Yusuf Shaqaaq, Abdulkadir Madaxeey, Nuune Mohamud Ciise, Macalim Cabdulkadir Sheekha iyo kuwo kale oo badan.

 

Sidoo kale waxaa uu u mahadceliyay DHAWAC.DALAB .Guled (guush) Xawaaladda Bakaal ULTIMATE TRAVEL  iyo dhammaan maamulka kooxda TC  iyo Macalinkooda Tababare Arab. oo dhammaantood kala jooga Washington, Minneapolis, Toronto, Columbus iyo Mogadishu.















Click here
11/13/2012 11:41 AM EST
Talaado, November 13, 2012 (HOL) —Madaxweeynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Max’uud ayaa si diiran usoo dhaweeyay kalsoonida ay mudanayaasha baarlamanka Soomaaliya maanta siiyeen xukuumadda cusub ee uu soo dhisay ra’isul wasaare Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid).

11/13/2012 9:23 AM EST
Talaado, November 13, 2012 (HOL) —Gudoomiyaha gobolka banaadir Max’uud Axmed Tarsan ayaa waayay xubinimadiisii baarlamanka kadibmarkii lagu badalay Dr. Cismaan Xaaji Max’uud (Dufle).

11/13/2012 6:48 AM EST
Talaado, November 13, 2012 (HOL) —Mudanayaasha baarlamanka Soomaaliya ayaa kulan ay maanta ku yeesheen xarunta golaha shacabka cod aqlabiyad ah ku ansixiyay xukuumadda cusub ee uu soo dhisay ra’isul wasaare Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid).

11/13/2012 3:05 AM EST
Talaado, November 13, 2012 (HOL) —Allaha u naxariistee waxaa galabta lagu aasay magaaladda Kampala ee dalka Uganda Sheekh C/weli C/llaahi Amiin oo ahaa iimaamkii Soomaalida ku nool dalka Uganda oo shalay ku geeriyooday isla magaaladda Kampala, kaddin markii uu wadnuhu istaagay.

11/13/2012 2:52 AM EST
Talaado, November 13, 2012 (HOL) —Dhimashada weerar sabtidii kooxo burcad ah ay ku qaadeen ciidamo kaitrsan Booliska Kenya oo ku sugnaa deegaan lagu magacaabo Baragoi oo hoostaga degmada Samburu ee dalka Kenya ayaa sii kordheysaa, iyadoonaa lagu soo waramayo in dhimashada ciidamadii halkaasi lagu laayay ay sii mareyso ilaa 37 Askari.

11/13/2012 2:48 AM EST
Talaado, November 13, 2012 (HOL) — Hay’adda dhaqaatiirta aan xuduuda laheyn ee MSF Swiss ayaa sheegtay in dabayaaqada sanadkan aynu ku jirno joojin doonto dhamaanba howlihii ay ka waday isbitaalka guud ee magaalada Baladweyne.

11/13/2012 2:46 AM EST
Talaado, November 13, 2012 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa saddex askari oo ka tirsan ciidamada ammaanka Kenya ku toogtay xalay degmada Mandheera ee gobolka Waqooyi-bari ee dalka Kenya, iyadoo kooxii dilka geystay ay isla markiiba ka baxsadeen goobta.