4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 13, 2012
Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Max’uud Axmed Tarsan oo Waayay Xubinimadiisii Baarlamanka
Talaado, November 13, 2012 (HOL) —Gudoomiyaha gobolka banaadir Max’uud Axmed Tarsan ayaa waayay xubinimadiisii baarlamanka kadibmarkii lagu badalay Dr. Cismaan Xaaji Max’uud (Dufle).

 Kulankii maanta lagu ansixinayay golaha wasiiradda dowladda Soomaaliya ayuu gudoomiyaha baarlamanka Soomaaliya Prof: Max’edSheekh Cismaan Jawaari ka sheegay in booskii xildhibaanimo ee uu hayay Mudane Tarsan lagu badalay Dr. Cismaan Xaaji Max’uud Nuur (Dufle).

Gudoomiyaha ayaa sheegay in Mudane Tarsan uusan sii ahaan Karin xildhibaan isagoo ah duqa magaalada Muqdisho, wuxuuna intaa ku daray in masuul katirsan baarlamanka uusan qaban Karin xil aan ka ahayn wasiirnimo.

Mudane Max’uud Axmed Tarsan oo ah duqa magaalada Muqdisho ayay odoyaasha dhaqanka Beeshiisa usoo xusheen in uu uga mid noqdo baarlamanka Soomaaliya.

Masuulkani imika lagu badalay Tarsan Dr. Dufle ayaa ah dhaqtar si weyn looga yaqaan magaalada Muqdisho islamarkaana bare ka ah Jaamacadda Banaadir, wuxuuna xilal kaladuwan kasoo qabtay dowladihii soo maray Soomaaliya laga soo bilaabo 1990-kii, isagoona wasiir ku xigeen dhinaca caafimaadka ka noqday dowladdii uu madaxweeynaha ka ahaa Mudane C/qaasim Salaad Xasan.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya