4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 13, 2012
Mudanayaasha Baarlamanka Soomaaliya oo Ansixiyay Xukuumadda Cusub

Talaado, November 13, 2012 (HOL) —Mudanayaasha baarlamanka Soomaaliya ayaa kulan ay maanta ku yeesheen xarunta golaha shacabka cod aqlabiyad ah ku ansixiyay xukuumadda cusub ee uu soo dhisay ra’isul wasaare Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid).

Ka hor inta aysan bilaaban codbixinta xukuumadda, ayaa madaxweeynaha Soomaaliya iyo Ra’isul Wasaaraha waxay kulan ay saxaafadda bannaanka ka joogeen la qaateen mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya.

Mid kamid ah xildhibaanada baarlamanka oo HOL uga waramay waxa looga hadlay kulanka, ayaa sheegay in madaxweeynaha uu ka codsaday baarlamanka in ay ansixiyaan xukuumadda cusub.

Sidoo kale waxa isna goobta hadal ka jeediyay ra’isul wasaaraha dowladda federaalka Soomaaliya Dr. Cabdi Faarax Shirdoon(Saacid) oo isagu sharaxaad ka bixiyay sababta uu 10-ka wasiir u xushay, isagoona sheegay in dadka uu soo magacaabay ay yihiin xubno fir-fircoon oo ay ka go’antahay  sugidda amniga dalka iyo horumarkiisa.

Intaa kadib ayaa waxa  bilaabatay cod u qaaadidda xukuumadda, waxaana kulanka codka loogu qaadayay xukuumadda soo xaadiray 225 Mudane, waxaa ogolaatay xukuumadda in ay shaqeyso 219 mudane, sedex way diideen, sedexna way ka aamuseen.

Gudoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya Prof: Max’ed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa ku dhawaaqay in xukuumadda cusub ay ansax tahay.

Ansixinta golaha wasiiradda ayaa kusoo beegmeysa xilli xubno katirsan baarlamanka Soomaaliya ay wadeen Motion ka dhan ah xukuumadda, kaasoo ay ku dalbanayeen in lasoo dhameystiro xukuumadda kahor inta aan la ansixin.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya