4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 13, 2012
Iimaamkii Soomaalida ee Dalka Uganda Sheekh Cabdiweli Cabdullaahi oo Maanta lagu aasay Magaalada Kampala (SAWIRRO)


Talaado, November 13, 2012 (HOL) — Allaha u naxariistee waxaa galabta lagu aasay magaaladda Kampala ee dalka Uganda Sheekh C/weli C/llaahi Amiin oo ahaa iimaamkii Soomaalida ku nool dalka Uganda oo shalay ku geeriyooday isla magaaladda Kampala, kaddin markii uu wadnuhu istaagay.

Kumanaan Muslimiin ah ayaa iskugu soo baxay salaaddii Jinaasadda ee SHeekha lagula tukaday Masaajidka towxiid, waxaana hoggaaminayay Muftiga dalka Uganda SHeekh Shacbaan Mubaja iyo safiirka Soomaaliyeed Sayid Axmed SHeekh Daahir.

Allaaha u naxariistee Sheekh C/weli ayaa la sheegay in maalihii ugu dambeeyay ka sheeganayay xanuun dhinaca wadnaha, waxaana sida ay ii sheegeen qaar ka mid ah eheladiisa uu sheekhu qorsheynayay inuu baaritaan caafimaad u aado dalka India.

Marxuumka ayaa 30-kii sanadood ee la soo dhaafay iimaam ka ahaa Masaajidka Towxiid ee magaaladda Kampala, wuxuna sidoo kale maamule ka ahaa dugsiga Islaamiga ah ee hoose/dhexe ee Towxiid iyo weliba dhowr dugsi quraan oo ku yaal dalka Uganda.

Khudbadii ugu dambeysay ee Maalintii Jimcaha wuxuu Allaaha u naxariistee SHeekh C/weli uga hadlay qiimaha waqtiga, wuxuna sheegay in qof kasta laga doonayo inuu waqtigiisa ugu faa’iideysto barashada diinta iyo cibaadada Alle, wuxuuna xusan in Jimcahani ugu dambeeyo ee sanadka 1433 ee Hijriyada.

Faarax Blue, Hiiraan Online
[email protected]
Kampala, Uganda