4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 13, 2012
Hay’adda MSF SWISS oo sheegtay inay Joojineyso Adeegyadii Caafimaad ee ay ka haysay Isbitaalka Magaalada Baladweyne

Talaado, November 13, 2012 (HOL) — Hay’adda dhaqaatiirta aan xuduuda laheyn ee MSF Swiss ayaa sheegtay in dabayaaqada sanadkan aynu ku jirno joojin doonto dhamaanba howlihii ay ka waday isbitaalka guud ee magaalada Baladweyne.

Agaasimaha guud ee isbitaalka magaalada Baladweyne, Axmed Max’ed Khaliif oo HOL la hadllay ayaa sheegay in mudo labo bilood ka hor hay’addu ku soo war-galiysay in ay soo afjari doonto howlihii ay ka waday isbitaalka marka la gaaro 31 bisha December ee sanadkan 2012.

Agaasimaha waxaa uu sheegay in ku dhaawaad 100 bukaan ah ay ka faa’ideystaan maalintii adeega caafimaad ee uu bixiyo isbitaalka, isaga oo walaac badan ka muujiyay xaalada ay ku danbeyn doonaan dadka bukaanka ah marka ay hay’addu joojiso gacantii ay sii jirtay isbitaalka.

"Sanadii 2007 ayaa la furay isbitaalka magaalada Baladweyne, mudo lix sano ah ayuu shaqeynayaa, mudadaas lixda sano ah ee uu isbitaalku shaqeynayo waxaa ka faa’ideystay celi celis ahaan bukaan dhan 72,000, kuwaasoo qaaarkood hadda wali ku jira isbitaalka, una baahan in ay helaan adeeg caafimad,’’ ayuu yiri Axmed Maxamed Khaliif.

Dadka adeega caafimaad u soo doonta isbitaalka ayuu sheegay agaasimaha in ay isaga kala yimaadaan guud ahaan qeybaha uu gobollku ka kooban yahay, gobollada dhexe, iyo dhulka ismaamulka Soomaalida Itoobiya.

Warka ka soo yeeray hay’adda MSF ee ah in ay dabayaaqada sanadkan joojin doonto gacantii ay siin jirtay isbitaalka, ayaa dhinacooda waxaa walaac ka muujiyay dadka xanuunsanaya ee waqtigan jiifa isbitaalka Baladweyne, iyaga oo sheegay in ay ku soo dhacayaan hubaal la’aan dhinaca caafimaadka, waxaana ay ka codsadeen in ay hay’addu dib uga laabato go’aankeeda.

Odayaasha dhaqanka qaarkood oo ka hadllay xaalada isbitaalka waxaa ay ka codsadeen hay’adda MSF Swiss mar haddii aysan awood badan u laheyn in ay sii wado howlaha isbitaalka in ay ugu yaraan ku wareejiso hay’ad kale si meesha looga sii wado adeegii uu uu u hayay bulshada.

Isbitaalka magaalada Baladweyne waxaa dhisay dowladda Talyaaniga sanadkii 1988-kii, waana isbitaalka ugu weyn marka baaxad ahaan la eego bartamaha dalka Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Baladweyne, Soomaaliya