4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 13, 2012
Kooxo hubeysan oo Askar ka tirsan ciidamada Ammaanka Kenya ku dilay Magaalada Mandheera ee Gobolka Waqooyi-bari Kenya

Talaado, November 13, 2012 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa saddex askari oo ka tirsan ciidamada ammaanka Kenya ku toogtay xalay degmada Mandheera ee gobolka Waqooyi-bari ee dalka Kenya, iyadoo kooxii dilka geystay ay isla markiiba ka baxsadeen goobta.

Askarta la dilay ayaa la sheegay in xilliga la tooganayay ay ku jireen howgallo ay ku sugayeen ammaanka degmadaas oo ay dhawaanahan ka dhacayeen ugaarsi u dhexeeya beelo Soomaaliyeed.

Goobjoogayaal ku sugan degmada Madheera ayaa laga soo xigtay in askarta la dilay ay ka mid ahaayeen ciidamada ammaanka Kenya, iyadoo goobtii lagu dilay ay soo buux-dhaafiyeen ciidammo kale oo Kenyan ah, kuwaasoo maydadka askarta goobta ka qaaday.

"Ciidamada la dilay waxay ahaayeen kuwo ammaanka sugayay, waxaa toogtay kooxo bastoolado ku hubeysan wayna baxsadeen. Baaritaanno la sameeyay dilalka kaddibna waxaa la qabtay dhallinyaro Soomaaliyeed," ayuu yiri goobjooge ku sugan degmada Mandheera.

Ma ahan markii ugu horreysay oo askar ka tirsan booliiska Kenya lagu dilo degmada Mandheera oo ku dhow xadka ay Soomaaliya iyo Kenya wadaagaan, iyadoo aanay jirin cid ay dowladda Kenya ku eedeysay inay ka dambeyso dilalka loo geystay askartooda.

Xaaladda degmada Mandheera ayaa deggen saakay iyadoo si weyn ay dadku u hadal hayaan dilkii xalay loo geystay askarta Kenyanka ah ee howlgalka ammaan-sugidda ah ku jiray.

Dhanka kale, dalka Kenya waxaa ka jira rabshado ay ku dhinteen in ka badan 42 askari oo Kenyan ah, kuwaasoo ka dhashay beelo xoolo iska qaaday oo ay askartu doonayeen inay dhexgalaan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya