4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 12, 2012
AMISOM oo Qabatay Dood ku Saabsan Sidii Haweenka Soomaaliyeed loogu Dhiiri-gelin lahaa inay Qayb Weyn ka Qaataan Siyaasadda iyo Hoggaaminta Dalka

Isniin, November 12, 2012 (HOL) — Dood looga hadlayay sidii haweenka Soomaaliyeed ay kaalin weyn ugu yeelan lahaayeen siyaasadda iyo hoggaaminta dalka ayaa maanta oo Isniin ah lagu qabtay xarunta ciidamada Midowga Afrika [AMISOM] ee magaalada Muqdisho.

Dooddan ayaa waxaa soo qaban-qaabiyay xafiiska jinsiga ee AMISOM oo loo yaqaan [AMISOM Gender Office], waxaana ka qaybgalay haween ka kala socday ururrada bulshada rayidka ah, baarlamaanka iyo haween ka tirsan booliiska Soomaaliya.

"Waxaan soo dhaweynaynaa in kulankan markii ugu horreysay ay qabato AMISOM, waana qorshe lagu doonayo in lagu dhiirrigeliyo haweenka Soomaaliyeed si ay qayb uga qaataan siyaasadda dalkooda," ayuu yiri Xaaji Sabaruundi oo ah madaxa xafiiska siyaasadda ee AMISOM ee Soomaaliya.

Sidoo kale, madaxa xafiiska jinsiga ee AMISOM, Mane Axmed oo u dhalatay dalka Jabuuti ayaa kulanka ka sheegtay in kulankaan ay ugu talogaleen inay haweenka Soomaaliyeed ku dhiirrigeliyaan inay kaalin mug leh ka qaataan hoggaaminta iyo siyaasadda dalkooda.

"Haweenka Soomaaliyeed waxaa la yiraahdaa waa kuwo wanaagsan, balse si weyn ugama dhex muuqdaan siyaasadda iyo hoggaaminta dalka, kulankaan waxaan ugu talogalnay inaan haweenka Soomaaliyeed ku xoojinno si ay kaalintooda u qaataan," ayay tiri Mane Axmed.

Dood looga hadlayay kaalinta haweenka ay ku leeyihiin siyaasadda iyo hoggaanka dalka ayaa la qabtay intii uu kulanku socday, dooddaas oo ay daadihinaysay Nafiso Geeddi Santuur, waxaana ka qaybgalay, Faadumo Cabdullaahi Insaaniya, Sheekh Cali Maxamuud (Sheekh Cali Wajiis), xildhibaan Maxamed Amiin iyo Maryan Yuusuf.

Xubnaha doodda ka qaybgalay ayaa waxay isku raaceen in caqabadaha ka haysta haweenka Soomaaliyeed inay kaalimaha hore ka galaan hoggaaminta dalka iyo siyaasadda ayay ku sheegeen dhowr qodob oo ay ka mid tahay aqoon-darro iyo beelaha Soomaaliyeed oo aan aamisanayn in haweenku wax hoggaamin karaan.

"Haweenka waxaa loo qoondeeyay inay 30% ku yeeshaan baarlamaanka taasna ma dhicin oo waxay hadda ku leeyihiin 14%, balse niyad-jabkaas waxaa naga mayray markii haweenka Soomaaliyeed laga siiyay golaha wasiirrada 20%," sidaa waxaa tiri Faadumo Insaaniya oo la weydiiyay su'aalo ku saabsan caqabadaha haweenka ka hortaagan inay hoggaaminta iyo siyaasadda kaalin weyn ku yeeshaan.

Sidoo kale, Sheekh Cali Wajiis oo isaguna hadlay doodda ayaa sheegay in diinta Islaamku ay xuquuq fara badan siisay haweenka, isagoo xusay in haweenku kaalin ku leeyihiin hoggaaminta bulshada maadaama ay yihiin hooyooyinka soo barbaariya ubadka.

"Haweenka waxaa lagu magacaabay suurad dhan oo qur'aanka kariimka ku jirta, ma jirto cid xaqiri karta kaalintooda, waxaana ku boorrinayaa inay dadaal dheeraad ah u galaan sidii ay kaalin weyn ugu yeelan lahaayeen hoggaaminta dalka," ayuu yiri Sheekh Cali Wajiis oo hadalkiisa ay aad ugu riyaaqeen haweenkii kulanka goobjoog ka ahaa.

Sidoo kale, doodda ayaa waxaa ka hadlay xidhibaan Maxamed Amiin, isagoo xusay in haweenku aysan ka daalin kaalintooda, isagoo xusay in loo baahan yahay inay ka shaqeeyaan sidii ay isugu xirnaan lahaayeen ayna u muujin lahaayeen inay baahi weyn u qabaan inay helaan xaquuqdooda ku aaddan hoggaaminta dalka iyo siyaasadda.

Maryan Yuusuf ayaa iyaduna sharraxaad ku bixisay in haweenka ay xoogga saaraan sidii ay xuquuqdooda ugu raadsan lahaayeen qaab sharci ah, iyadoo xustay in 30% oo laga siiyay baarlamaanka aysan ahayn dastuuri, balse loo baahan yahay inay iyagu ka dhigaan qodob dastuuri ah si ay ugu doodaan haddii lagu xad-gudbo.

Haweenkii kulanka kasoo qaybgalay ayaa waxay weydiiyeen xubnihii doodda waday su'aalo ku saabsan erayo ku jiray doodooda, kuwaasoo ku saabsanaa sidii haweenku ay kaalin ugu yeelan lahaayeen ka qaybgalka hoggaanka dalka iyo siyaasadda.

Ugu dambeyn, waxaa doodda soo xiray, Sheekh Cali Sheekh Maxamuud (Sheekh Cali Dheere) oo sheegay in haweenku ay xuquuqaad fara badan siisay diinta Islaamka loona baahan yahay inay ku kalsoonaadaan, isagoo sheegay inaan la dafiri karin in haweenku ay yihiin kuwii badbaadiyay Soomaaliya xilliyadii ay colaaduhu jireen.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya