4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 12, 2012
Dibadbax looga soo horjeedo Hadalkii Hooggamiyaha Al-Qaacida Ayman Al-Zawaahiri oo ka dhacay Magaalada Muqdisho


Isniin, November 12, 2012 (HOL) — Bannaanbax looga soo horjeeday hadalkii kasoo yeeray hoggaamiyaha shabakadda Al-Qaacida, Ayman Al-Zawaahiri ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, iyadoo dadweyne u badnaa ay kusoo urureen xarunta degmada Wardhiigley halkaasoo uu dibadbaxu ka dhacay, waxaana goobtaaas ka hadlay mas'uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Dibadbaxan oo ay soo qaban qaabisay hay'adda CCD ayaa ka qayb-galayaasha oo isugu jiray kooxda baambeyda, haween sitay dharka calanka ay kusoo bandhigeen boorar ay ku qornaayeen halku dhigyo lidi ku ah hoggaamiyaha Al-Qaacida, Ayman Al-Zawaahiri.

Ugu horreyn waxaa bannaanbaxa ka hadashay guddoomiyaha degmada Wardhiigley, Deeqo Cabdulqaadir Axmed ayaa sheegtay in hadalka kasoo Ayman Al-Zawaahiri uu yahay hadal uusan ka fiirsan oo uu doonayo inuu ku burburiyo Soomaaliya.

"Waxaan rabaa inaan halkan ka cadeyno in Ayman Al-Zawaahiri uu rabo in dalalka Islaamka la burburiyo, muxuu dalkiisa ugu baaqi waayay muqaawamada iyo wixii la mid ah, wuxuu abuuraya hadaf xun, dhallinyarada ayuu rabaa inuu ku dhiirri-geliyo inay is qarxiyaan," ayay tiri Deeqo Cabdulqaadi.

Sidoo kale, waxay sheegtay inay nasiib-darro tahay in Soomaaliyada qaarkeed lagu adeegto, ayna gudbinayaan fikrad qaldan, iyadoo xustay inay doonayaan in dalka dib loogu celiyo dhibaatadii uu kasoo gudbay, waxayna ku baaqday inaan la qaadan baaqa Ayman Al-Zawaahiri.


"In la yiraahdo dhallinyarada janaa galeysaan ee is qarxiyay ma ahan mid saxa ah, marka hore waa inay iyagu isqarxiyaan, ma ahan inaan dhageysano hadallada kasoo baxaya dad ajnabi ah," ayay mar kale tiri guddoomiyaha degmada Wardhiigley.

Taliyaha booliska gobolka Banaadir, Jen. Axmed Xasan Maalin oo isaguna goobta ka hadlay ayaa sheegay inay tahay in laga dhiidhiyo nin ajnabi dal shisheeye joogo inuu ka hadlo Soomaaliya, isla markaana xaq uma lahayn inuu soo fara-geliyo arrimaha Soomaaliya.

"Nin Ajnabi ah oo aan dalkaan joogin inuu wax ka sheego waa in mid aan la aqbali karin, ninkaas odayga ah dadkii uu wax u yeerinayay ayaa nala jooga; marka waa inaan iska qabannaa, waa nolol diid, yaan la qaadan fikirkaas, ma ahan inaan hadal ruux ajbani ah yiri qaadanno. Waa inaan maskaxdeena ka shaqeynaa - Soomaaliya nabadgelyaa deeqda, cadawga nala joogo aan iska qabanno," ayuu yiri Jen. Maalin.

Sheekh C/qaadir Soomow oo ka mid ah culimadii Ahlusunna oo dibadbaxa hadalka ka jeediyay ayaa sheegay in hadalka Ayman Al-Zawaahiri uusan ahayn fariin diineed balse uu yahay ra'yi uu doonayo inuu dadka ku qaldo.

"Calanka Soomaaliya waa astaan Qarameed oo ay ummaddan leedahay, dad badan oo geesiyaal ah baa u dhintay, dalkaan in loo hawoodo calan lala yimaaday waa in la iska difaacaa, Ummadda Soomaaliyed 100% waa dad muslim ah, ninkaas godka kasoo hadlaya waxaan leennahay nala dooda innagaa culummadii ahe, ra'yigaaga diin ma noqonayo," ayuu yiri Sheekh Soomow oo dhallinyarada ugu baaaqay inaan la marin habaabin oo aysan naftooda halligin.

Guddoomiye ku-xigeenka dhinaca ammaanka ee gobolka Banaadir, Warsame Maxamed Xasan (Joodax) oo isaguna ka mid ahaa mas'uuliyiintii bannaanbaxa ka hadlay ayaa sheegay in dibadbaxan uu yahay mid ay dadka Soomaaliyeed kusoo bandhigayaan aragtooda iyo shucuurdooda ku aaddan hadalkiisa kasoo baxay Ayman Al-Zawaahiri.

"Dhibaatadii laga soo gudbay yaan ummaddan dib loogu celin, shacabkani waxay doonayaan nabad, inay xorriyad ku cibaadeystaan, inaan loo yeerin fikrad qaldan oo aan diin ahayn, in nabadgelyada la adkeeyo, kuwa fowdada iyo dhibka doonayana laga hortago," ayuu yiri Warsame Joodax.

Ugu dambeyn, waxaa dadkii ka hadlay ay ay soo jeediyeen in laga hortago kooxaha amni-darrada maleegaya, lalana shaqeeyo ciidamada amniga si nabadda loogu baahiyo dalka oo dhan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya