4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 12, 2012
Munaasabad Lagu Soo Dhaweeynayo Dowladda Soomaaliya oo ka Dhacday Magaalada Boston ee Dalka Mareykanka

Isniin, November 12, 2012 (HOL) —Xaflad lagu taageerayay dhamaystirka Dawlada Fedraalka ee Somaaliya ayaa lagu qabtay magalada Boston ee USA, taarikhdu marka ay eheed axad 11/11/2012.

Xalafan oo ay kasoo qeeyb galeen bulshoweeynta Soomaaliyeed ee ku nool goballada la isku yiraahdo New England ee waqooyiga bari ee dalka mareeykanka. xafladaan oo si weeyn loogu taageeray raisul wazaaraha cususb ee Dowlada federalka Soomaaliya, mudane Abdi Farah Shirdoon, (Saacid). waxaa haweenkaa ka muuqatay wajiyada bulsho weeynta isugu timid xaflada, farxad aad u weyn iyo hididiile zaai'd ah oo ay u hayaan dhisidda maamul cusub ee ka hirgalay dalka Soomaalia.

Xafladdan oo ay soo qaban qaabiyeen wax garadka iyo dhalinyarada ku nool magaalada Boston.USA ayaa waxaa ka hadlay Marti sharaf, Odayaal iyo Haweenka, iyadoo ay fanaaniinta ku nool gobaladan ay soo bandhigeen dareenkooda ku aadan Dowlada Federal ka ee Somalia,

Fanaaniintan oo ay hor kaceeysay fanaanada Shankaroon Axmed Sagal, Cisaam Bulow, Jaangoow, iyo waliba  fanaanka da'da yar ee Jamaal, iyadoo dhanka kale ay buraanbur aad iyo aad u qiiro badan ka soo jeediyeen, Qadro Khaliif iyo Safiyo Qooje.

Waxaa kaloo khudbad qiiro badan ka jeediyay gudoomiyaha gudiga qabanqaabinta ee waxgaradka soo abaabulay xafladan Mr. Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Hiiraamow). isagoo ku xusay khudbaddiisa in kaalmo guud loo jeediyo maamulka cususb ee Soomaaliya, lana garab istaago.

Maryan Gaas ayaa iyana dhanka kale jeedisay khudbad ku aadan dareenkeeda xagga maamulka cususb, iyo waxyaabaha looga baahanyahay dowlada somalia.

Ruqiyo Saciid oo aqoon gaar ah u leh raizul wazaaraha iyo qoyskiisaa ayaa iyana ka hadashay kana cadeeysay madasha in ay aqood durugsan u leedahay, cadeeysayna in uu yahay nin u qalmo xilka loo dhiibay. Marti shraft kale oo aad u fara badan ayaa iyana ka wada hadlay  oo ay ka mid yihiin: Graad Food, Maxamed Maxamuud Xabeeb, Xuseen fiin, Maxamed Kheyr, Mahdi Axmed Cali, Nageeye, Doolaal, Jaamac Guul wade, Fadumo Daahir(Xidhibaan) , Macalin Warfaa, Cabdiraxmaan SDC, oo dhmaantood ka muujiyo dareenkooda ku aadan taageerada ay u hayaan maamulka cusb ee ka hana qaaday dalka Somalia,

Ugu danmbeeyntoo waxa halkaan mahad gaar ah uga celineeynaa xiriiyaha xaflada Saadiq Shiikh (Suxufi) iyo wariye Cabdixakiim Cumar Jimcaale

Hiiraan Online, News Desk