4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 12, 2012
Xulka Soomaaliya oo la ciyaari doona xulalka Tanzania, Burundi iyo Suudaan Tartanka Ciyaaraha Bariga iyo Bartamaha Afrika CECAFA 2012

Isniin, November 12, 2012 (HOL) —Xulka qaranka K/cagta Soomaaliya ee ka qeyb galaya ciyaaraha bariga iyo bartamaha Africa ee CECAFA ayaa ku qeyb noqday xulalka adag ee Sudan, Tanzania iyo Burundi ee qebta B, kaddib markii goor dhaweyd ee maanta la sameeyay isku aadka ciyaarahan.

Soomaaliya waxay ciyaarta ugu horeysa ee tarankan la yaalan doontaa dalka Burundi maalinta Sabtida 25-ka bisha, ciyaarta 2-aadna waxay la ciyaari doontaa xulka Sudan 28-da bisha, halka kulanka ugu dambeeyana ay la ciyaari doonto dalka Tanzania 1-da December, waxaana dhammaan ciyaarahan si toos ah looga daawan doonaa Supper Sport 9.

Ciyaarahan oo billaabanaya 24-ka bishan ayaa waxaa ka qeyb gali doona 11 xul oo tirsan xiriirka CECAFA iyo xulka Malawi oo mari ku ah, isla markaana buuxinaya booskii xulka Jabuuti oo ka cudur daartay ka soo qeyb galka ciyaarahan.

Group A , Uganda, Ethiopia, Kenya, South Sudan
Group C, Somalia, Sudan, Tanzania, Burundi
Group D, Rwanda, Malawi, Zanzibar, Eritrea

Xulka Qaranka Soomaaliya ayaa maalintii Axada aheyd wuxuu garoonka Nambole ee magaaladda Kampala ka billaabay tababar ay igu diyaar garoobayaan ciyaaran.

Sawirrada tababarka iyo wareysi aan la yeelaneyno tababaraha iyo ciyaartooyda dhawaan kala soco HOL.

Faarax Blue, Hiiraan Online
[email protected]
Kampala, Uganda