4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 12, 2012
Iimaamkii Soomaalida Dalka Uganda oo Geeriyooday

Sheekh_Abdiwali.jpgIsniin, November 12, 2012 (HOL) —INAA LILLAAHI WA INAA ILEYHI RAAJICUUN: Waxaa shalay duhurkii magaaladda Kampala ee dalka Uganda ku geeriyooday Allaahe u naxariistee Sheekh C/weli C/llaahi oo ahaa iimaankii Soomaalida ku nool dalka Uganda, kaddib markii uu wadnuhu istaagay.

Dhaqaatiirta Isbitaalka Mulago ee magaaladda Kampala ayaa xaqiijiyay geerida Sheekh C/weli, waxayna sheegeen inuu xanuun dhinaca wadnaha uu u geeriyooday. Geeridan naxdinta leh ee SHeekha waxaa Soomaalida dalka Uganda u xaqiijiyay Sheekh Axmed Gees-cade oo ah ku xigeenka Allaaha u naxariistee sheikh C/weli.

Maalinta berri ah ayaa Marxuumka lagu aasi doonaa qabuuraha Muslimiinta ee Kololo ee magaaladda Kampala, waxaana la filayaa in aaska Sheekha ay ka soo qeyb galaan culimada waaweyn ee ku nool East Africa.

Allaaha u naxariistee Sheekh C/weli ayaa la sheegay in maalihii ugu dambeeyay ka sheeganayay xanuun dhinaca wadnaha, waxaana sida ay ii sheegeen qaar ka mid ah eheladiisa uu sheekhu qorsheynayay inuu baaritaan caafimaad u aado dalka India.

Marxuumka ayaa 30-kii sanadood ee la soo dhaafay iimaam ka ahaa Masaajidka Towxiid ee magaaladda Kampala, wuxuna sidoo kale maamule ka ahaa dugsiga Islaamiga ah ee hoose/dhexe ee Towxiid iyo weliba dhowr dugsi quraan oo ku yaal dalka Uganda.

Khudbadii ugu dambeysay ee Maalintii Jimcaha wuxuu Allaaha u naxariistee SHeekh C/weli uga hadlay qiimaha waqtiga, wuxuna sheegay in qof kasta laga doonayo inuu waqtigiisa ugu faa’iideysto barashada diinta iyo cibaadada Alle, wuxuuna xusan in Jimcahani ugu dambeeyo ee sanadka 1433 ee Hijriyada.


Faarax Blue,
Hiiraan Online, Kampal
[email protected]