4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 12, 2012
Saraakiisha Dowladda Soomaaliya ee Gobolka Gedo oo sheegay in ay isu soo dhiibeen Dagaal-yahanno ka tirsan Al-shabaab

Isniin, November 12, 2012 (HOL) —Saraakiisha hogaamineysa ciidamada dowladda Soomaaliya ee ka dagaalama gobolka Gedo ayaa sheegay in ay isu soo dhiibeen dagaalyahnno kasoo goostay xoogagga Al-shabaab.

Diyaad Cabdi Kaliil oo kamid ah saraakiisha hogaamineysa ciidamada dowladda Soomaaliya ee gobolka Gedo oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ku dhowaad 20 askari oo katirsan Al-shabaab ay isu soo dhiibeen.

Sarkaalkani ayaa sheegay in raggan isa soo dhiibay ay xiriiro la soo sameeyay saraakiisha dowladda ee gobolka Gedo, wuxuuna xusay in xilligii ay isa soo dhiibayeen ay ku qalabeysanaayeen hubka noocyadiisa kala duwan.

“Waxaan ugu baaqeynaa dagaalyahannada kale ee Al-shabaab la socda in ay isa soo dhiibaan, waxaanna u ballanqaadeynaa in ammaankooda la sugi doono,” ayuu masuulkani hadalkiisii raaciyay.

Ilaa imika ma jiraan warar arintaasi ku saabsan oo kasoo baxay maamulka Al-shabaab ee gobolka Gedo.

Ciidamada Dowladda iyo kuwa Ahlusunna oo kaashanaya Militariga Kenya iyo Itoobiya ayaa gacanta ku haya inta badan degmooyinka gobolka Gedo, waxayna Al-shabaab gobolkaasi kaga suganyihiin degmooyinka Buurdhuubo iyo Baardheere.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya