3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 12, 2012
Saraakiisha Dowladda Soomaaliya ee Gobolka Gedo oo sheegay in ay isu soo dhiibeen Dagaal-yahanno ka tirsan Al-shabaab

Isniin, November 12, 2012 (HOL) —Saraakiisha hogaamineysa ciidamada dowladda Soomaaliya ee ka dagaalama gobolka Gedo ayaa sheegay in ay isu soo dhiibeen dagaalyahnno kasoo goostay xoogagga Al-shabaab.

Diyaad Cabdi Kaliil oo kamid ah saraakiisha hogaamineysa ciidamada dowladda Soomaaliya ee gobolka Gedo oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ku dhowaad 20 askari oo katirsan Al-shabaab ay isu soo dhiibeen.

Sarkaalkani ayaa sheegay in raggan isa soo dhiibay ay xiriiro la soo sameeyay saraakiisha dowladda ee gobolka Gedo, wuxuuna xusay in xilligii ay isa soo dhiibayeen ay ku qalabeysanaayeen hubka noocyadiisa kala duwan.

“Waxaan ugu baaqeynaa dagaalyahannada kale ee Al-shabaab la socda in ay isa soo dhiibaan, waxaanna u ballanqaadeynaa in ammaankooda la sugi doono,” ayuu masuulkani hadalkiisii raaciyay.

Ilaa imika ma jiraan warar arintaasi ku saabsan oo kasoo baxay maamulka Al-shabaab ee gobolka Gedo.

Ciidamada Dowladda iyo kuwa Ahlusunna oo kaashanaya Militariga Kenya iyo Itoobiya ayaa gacanta ku haya inta badan degmooyinka gobolka Gedo, waxayna Al-shabaab gobolkaasi kaga suganyihiin degmooyinka Buurdhuubo iyo Baardheere.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya













Click here
11/12/2012 8:59 AM EST
Isniin, November 12, 2012 (HOL) — Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku kala aragti duwan ansixinta xukuumadda cusub ee Soomaaliya, iyadoo qaar ka mid ah xidhibaannada ay ku doodayaan in xukuumadda la ansixiyo, halka kuwo kale ay ku doonayaan in xukuumadda la ansixiyo haddii lagu qanco barnaamijkeeda siyaasadeed.

11/12/2012 8:35 AM EST
Isniin, November 12, 2012 (HOL) — Dood looga hadlayay sidii haweenka Soomaaliyeed ay kaalin weyn ugu yeelan lahaayeen siyaasadda iyo hoggaaminta dalka ayaa maanta oo Isniin ah lagu qabtay xarunta ciidamada Midowga Afrika [AMISOM] ee magaalada Muqdisho.

11/12/2012 7:52 AM EST
Isniin, November 12, 2012 (HOL) — Iskahorimaad ay ku dhinteen laba qof oo rayid ah ayna ku dhaawacmeen saddex kale ayaa ciidamada Itoobiya iyo xoogagga Al-shabaab ku dhexmaray maanta deegaanka Awdiinle ee gobolka Bay, iyadoo aanay jirin khasaare soo kala gaartay labadii dhinac ee dagaalamay.

11/12/2012 7:10 AM EST
Isniin, November 12, 2012 (HOL) — Bannaanbax looga soo horjeeday hadalkii kasoo yeeray hoggaamiyaha shabakadda Al-Qaacida, Ayman Al-Zawaahiri ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, iyadoo dadweyne u badnaa ay kusoo urureen xarunta degmada Wardhiigley halkaasoo uu dibadbaxu ka dhacay, waxaana goobtaaas ka hadlay mas'uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya.

11/12/2012 5:51 AM EST
Isniin, November 12, 2012 (HOL) —Xaflad lagu taageerayay dhamaystirka Dawlada Fedraalka ee Somaaliya ayaa lagu qabtay magalada Boston ee USA, taarikhdu marka ay eheed axad 11/11/2012.

11/12/2012 5:08 AM EST
Isniin, November 12, 2012 (HOL) —Xulka qaranka K/cagta Soomaaliya ee ka qeyb galaya ciyaaraha bariga iyo bartamaha Africa ee CECAFA ayaa ku qeyb noqday xulalka adag ee Sudan, Tanzania iyo Burundi ee qebta B, kaddib markii goor dhaweyd ee maanta la sameeyay isku aadka ciyaarahan.

11/12/2012 5:00 AM EST
Isniin, November 12, 2012 (HOL) —INAA LILLAAHI WA INAA ILEYHI RAAJICUUN: Waxaa Shalay duhurkii magaaladda Kampala ee dalka Uganda ku geeriyooday Allaha u naxariistee Sheekh C/weli C/llaahi oo ahaa iimaankii Soomaalida ku nool dalka Uganda, kaddib markii uu wadnuhu istaagay.

11/12/2012 2:39 AM EST
Isniin, November 12, 2012 (HOL) —Dagaalyahanno katirsan xoogagga Al-shabaab ayaa xalay weerar madaafiic ah ku qaadeen garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo halkaasoo ay saldhig ku leeyihiin ciidamada Kenya eek u sugan magaalada Kismaayo.

11/12/2012 1:57 AM EST
Isniin, November 12, 2012 (HOL) —Waxaa maanta la filayaa in ra’isul wasaaraha dowladda Federaalka Soomaaliya uu xukuumaddiisa cusub horgeeyo baarlamanka Soomaaliya si ay ugu qaadaan codka kalsoonida.