4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 12, 2012
Xoogagga Al-shabaab oo xalay Weeraray saldhig ay Ciidamadu leeyihiin iyo Garoonka Diyaaradaha Magaalada Kismaayo

Isniin, November 12, 2012 (HOL) —Dagaalyahanno katirsan xoogagga Al-shabaab ayaa xalay weerar madaafiic ah ku qaadeen garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo halkaasoo ay saldhig ku leeyihiin ciidamada Kenya eek u sugan magaalada Kismaayo.

Weerarradani oo ahaa kuwo qorsheysan ayaa mar qura lagu qaaday saldhigga dhexe ee magaalada Kismaayo iyo garoonka diyaaradaha.

Goobjooge ku sugan magaalada Kismaayo ayaa oo ka gaabsaday in magaciisa la xigto ayaa HOL u sheegay in ciidamo katirsan Al-shabaab ay weerar ku qaadeen saldhigga dhexe ee magaalada Kismaayo, halkaasoo ay israsaaseyn xooggan ku dhexmartay ciidamada ilaalada saldhigga iyo kooxihii weerarka soo qaaday.

“Markii hore xabadda waxay ka dhaceysay dhinaca Isteeshinka, laakiin xoogaa kadib xabad ayaa is qabsatay magaalada oo dhan,” ayuu goobjoogahani hadalkiisa raaciyay.

Ilaa imika ma cadda khasaaraha ka dhashay weerarradaasi, mana jiraan masuuliyiin katirsan dhinacyadii uu dagaalka u dhexeeyay oo faahfaahin ka bixiyay.

Xoogagga Al-shabaab oo iyagu ku sugan deegaanada ku xeeran magaalada Kismaayo ayaa wacad ku maray in aysan joojin doodin weerarrada ka dhanka ah ciidamada huwanta ah ee ku sugan Kismaayo.

Ilaa imika ma jiraan masuuliyiin katirsan Al-shabaab oo faahfaahin ka bixiyay weerarradii ay xalay ka fuliyeen gudaha magaaalada Kismaayo.

Weerarka ay Al-shabaab xalay ka fuliyeen Kismaayo ayaa kusoo beegmaya xilli gudaha magaalada Kismaayo ay ku suganyihiin guddi farsamo oo ka socdo shirka maamul u sameynta Jubooyinka, kaasoo la filayo in dhawaan loo soo wareejiyo magaalada Kismaayo.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya