4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 12, 2012
Xukuumadda Cusub oo la Filayo in Maanta la Horgeeyo Baarlamanka

Isniin, November 12, 2012 (HOL) —Waxaa maanta la filayaa in ra’isul wasaaraha dowladda Federaalka Soomaaliya uu xukuumaddiisa cusub horgeeyo baarlamanka Soomaaliya si ay ugu qaadaan codka kalsoonida.

Fadhi ay maanta isugu imanayaan mudanayaasha Baarlamanka Soomaaliya ayaa la filayaa in ra'isul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya uu soo xaadiro si uu halkaasi ugu soo bandhigo qorshaha xukuumaddiisa cusub.

Xildhibaan Max’ed Cumar oo katirsan xogheynta baarlamanka oo warbaainta Muqdisho la hadlay  ayaa sheegay in la filayo in ra’iisul wasaare Shirdoon uu maanta hortago baarlamanka, si uu uga hor aqriyo qorshaha xukuumaddiisa cusub.

Sabtidii aynu soo dhaafnay ayay ahayd in xukuumadda cusub la horgeeyo baarlamanka, haseyeeshee waxa ku yimid dib u dhac, waxaana la filayaa in maanta xukuumadda cusub loo qaado codka kalsoonida.

Shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa dibadbaxyo waaweyn oo ay ka dhigeen magaalada Muqdisho waxay uga codsadeen mudanayaasha baarlamanka Soomaliya in ay ansixiyaan xukuumadda cusub ee uu soo magacaabay Ra’isul wasaare Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), oo ay ku tilmaameen in ay tahay xukuumaddii ugu wanagsanayd ee soo marta Soomaaliya.

Xukuumaddan cusub oo ka kooban ilaa 10 wasiir ayaa noqoneysa tii ugu tirada yarayd ee abid soo marta Soomaaliya, waxaana xusid mudan in xukuumaddani cusub ay ku jiraan laba wasiir oo dumar ah.

 

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya