4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 11, 2012
Israsaaseyn khasaare geystay oo askar kawada tirsan Ciidamada Dowladda Somalia ku dhexmartay Magaalada Muqdisho
Axad, November 11, 2012 (HOL) — Israsaaseyn askar kawada tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya ku dhexmaray barqonimadii maanta afaafka hore xarunta dambi-baarista booliiska Soomaaliya ee CID-da ayaa sababtay dhimashada laba qof iyo dhaawac soo gaaray sarkaal booliiska ka tirsan.

Labada qof ee dhintay ayaa la sheegay inay ahaayeen shacab ah oo ay dad uga xirnaayeen xarunta CID-da iyadoo aan la ogeyn sababta keentay in labada askari ay israsaaseeyaan, waxaana iyadoo ciidamadii kale ee goobta ku sugnaa ay qabteen labadii askari ee israaseyntu ay dhexmartay.

"Rasaastu waxay ahayd mid si kadis ah ku billaabatay, waxaana dhintay laba qof oo shacab ah, sarkaal booliiska ka tirsanna wuu dhaawacmay," ayuu yiri askari ku sugnaa halka ay israsaaseyntu ka dhacday.

Goobjoogayaal kale ayaa sheegay in labada askari ay isku adeegsadeen rasaasta ka dhacda qoryo fudud oo ay haysteen, iyadoo mar qura uu isbedelay jawiga goobta ay israsaaseyntu ka dhacday.

"Waxaan arkay dhimashada laba qof oo shacab, dibadda ayaan u soo baxay, arrintu waxay ahayd mid kadis ah," ayuu yiri mid ka mid ah dadkii ku sugnaa xarunta CID-da oo saxaafadda kula hadlay dibadda xarunta.

Hoggaanka dambi-baarista booliiska Soomaaliya ayaan ka hadlin arrintan, balse saraakiishu waxay sheegeen in baaritaan lagu sameynayo wixii dhacay, iyadoo la sheegay in labadii askari ee iskahorimaadku dhexmaray la xiray.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya