4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 11, 2012
Saraakiisha Maamulka Gobolka Hiiraan oo sheegay in la qabtay Askarigii dhawaan ku dilay Baladweyne Taliyihii Ciidamada Maamulka
Axad, November 11, 2012 (HOL) — Kaddib howlgal ay sameeyeen ciidamada maamulka gobolka Hiiraan ayeey  sheegeen saraakiisha maamulka gobollka in gacanta lagu soo dhigay askarigii dhawaan magaalada ku dillay taliyihii ciidamada maamulka gobollka Muumin Maxamed Maxamuud.

Guddoomiye ku-xigeenka dhinaca nabad-galyada maamulka gobollka Axmed Cismaan Cabdalla Inji oo HOL la hadllay ayaa sheegay in howlgal ay sameeyeen ciidamada maamulka gobollka Hiiraan lagu soo qabtay askariga dillay taliyaha.

"Maalmihii ugu danbeeyayba ciidamadu waxaa ay ku howlanaayeen sidii loo soo qaban lahaa askariga gacan ku dhiiglaha ah, ciidamo gaar ah ayaa arintaa loo xil saaray, ugu danbeytiina waa lagu guuleystay in la soo qabto,’’ ayuu yiri Axmed Inji.

Dhawaan ayeey aheyd markii taliyihiin ciidamada maamulka gobollka Hiiraan Muumin Max’ed Max’uud uu ku toogtay bartamaha magaalada askari ka tirsanaa ciidamada maamulka, xili uu taliyuhu ku guda jiray howlgal ay ku bur burinayay jigooyo.

Sidoo kale guddoomiye ku-xigeenka arrimaha nabad-galyada maamulka gobolka Axmed Inji waxaa uu sheegay in la soo qabtay afar ruux oo lagu eedeynayo in ay dil arxan darro ah u geysteen marxuum u yimid magaalada in uu dacweeyo nin alaab kala soo goostay.

"Cid loo cafin doono danbiga ay gashay malaha, dhamaan gacan ku dhiigalayaasha sharciga ayaa la horkeenayaa, danbiga ay galeen ayaana lagu qaadayaa,’’ ayuu Axmed Inji hadalkiisa raaciyay.

Saacadihii ugu danbeeyay waxaa magaalada Baladweyne ka jiray howlgal ay wada jir u fulinayeen ciidamada maamulka gobollka, kuwa Itoobiya, iyo ciidamada Jabuuti ee howlgalka midowgga Africa qeybta ka ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Baladweyne, Soomaaliya