4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 11, 2012
RA'IISUL WASAARE SAACID: "Xukuumadeydu waxay Xoogga saaraysaa dib u Xoreynta dalka iyo Sugidda Ammaanka"

Axad, November 11, 2012 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shir-doon (Saacid) ayaa sheegay in xukuumaddiisa ay muhiimadda koowaad siin doonto dib u xoreynta dalka iyo sugidda ammaanka, wuxuuna intaas ku daray inay ka go'an tahay in dhammaan howlaha horyaalla ay ku dhameystiraan muddada ay haystaan.

"Xukuumadda aan hoggaaminayo waxay xoogga saaraysaa in dalka la xoreeyo isla markaana la sugno ammaanka," ayuu yiri Saacid oo wargeysi gaar ah siinayay Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed SNTV. Isagoo intaas ku daray inay ka go'an tahay inay dalka gaarsiiyaan in shacabku ay soo doortaan madaxdii hoggaamin lahayd.

Mudane Saacid ayaa sidoo kale, sheegay inay ka shaqeyn doonto xukuumaddiisa in dhaqaalaha dalka dib loosoo nooleeyo laguna sameeyo dalka dib u dhis buuxda inta ay iyagu xilka hayaan, isagoo xusay in shacabka Soomaaliyeed ay ka rajeynayaan inay gacan ku siiyaan gudashada waajibaadkooda.

Sidoo kale, mar uu ka hadlay waxay ka qabanayaan xiriirka Soomaaliya iyo dunida inteeda kale u dhexeeya ayuu sheegay inay ka go'an tahay inay hagaajiyaan, oo ay dalalka dunida kula dhaqmaan wanaag iyo sharaf, balse wuxuu sheegay inaysan ka ogolaan doonin in faragelin lagu sameeyo arrimaha gaarka ah ee Soomaaliya.

"Waxaan diyaar u nahay inaan dalalka dariska ah iyo kuwa kale ee caalamka kula noolaano wanaag iyo sharaf, balse ma ogolaan doonno in faragelin lagu sameeyo arrimaheenna gaarka ah," ayuu yiri Saacid.

Xukuumadda uu soo dhisay ra'iisul wasaare Saacid ayaa waxay ka kooban tahay 10 wasiir, taasoo laba ka mid ah ay yihiin haween, waxaana xukuumaddan ay noqonaysaa tii ugu yarayd ee Soomaaliya ay yeelato muddo ka badan afartan sano.

Hadalka ra'iisul wasaaraha ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo lagu wado in la horgeeyo xukuumadda cusub ee Soomaaliya baarlamaanka si codka kalsoonida ah loogu qaado, iyadoo ay jireen maalmahan dibadbaxyo looga codsanayay mudanayaasha baarlamaanka inay kasloonida siiyaan xukuumadda cusub.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya