4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 11, 2012
Dagaal Ciidamada Dowladda Soomaaliya, kuwa Itoobiya iyo Al-shabaab ku dhexmaray Duleedka Degmada Baydhabo

Axad, November 11, 2012 (HOL) — Ugu yaraan sagaal qof ayaa ku dhintay dagaal saacado badan qaatay oo ciidamada dowladda Soomaaliya, kuwa Itoobiya iyo xoogagga Al-shabaab ku dhexmaray deegaan lagu magacaabo Goof-guduud oo 30-KM dhinaca koonfureed kaga beegan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.

Dagaalkan oo qarxay gallinkii dambe ee shalay socdayna illaa xalay fiidkii ayaa qarxay kaddib markii xoogag Al-shabaab ka tirsan ay weerar ku qaadeen ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya oo halkaas socod ku marayay.

"Waxaa dhacay dagaal culus oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, waxaan arkay dhimashada sagaal ka mid ah dhinacyadii dagaalamay," ayuu yiri Nuur Cali oo ka mid ah dadka deggen deegaanka Goof-guduud oo uu dagaalku ka dhacay.

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya ayaa weli ku sugan deegaankii lagu dagaalamay, halkaasoo ay saakay ka wadaan baaritaannno xiiriir la leh dagaalkii shalay illaa xalay socday ee ka dhacay deegaankaas.

Xarakada Al-shabaab ayaan ka hadlin dagaalkii ay xoogageeddu shalay illaa xalay kula jireen ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya ee gacanta siinaya, iyadoo sidoo kale aysan dowladda iyo Itoobiya ka hadlin dagaalkaas.

Ma ahan markii ugu horreysay oo dagaal noocan oo kale ah uu gobolka Bay ku dhexmaro ciidamada dowladda Soomaaliya, kuwa caawinaya ee Itoobiya iyo Xoogagga Al-shabaab, iyadoo khasaaraha dagaalkan ka dhashay intaa ka badnaan karo.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya