4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 10, 2012
Maamulka Gobolka Hiiraan oo soo dhaweeyay Xukuumadda Soomaaliya Uguna baaqay Baarlamaanka inay kalsoonida siiyaan
Sabti, November 10, 2012 (HOL) — Mas’uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan ayaa soo dhaweeyay xubnaha gollaha wasiirrada ee uu dhawaan ku dhawaaqay ra’iisal wasaare Cabdi Faarax Shir-doon, iyaga oo dhinaca kalana ka dalbaday baarlamaanka uu codka kalsoonida siiyo xukuumada.

Afhayeenka maamulka gobolka Hiiraan Max’ed Nuur Caga-joof oo la hadllay HOL ayaa sheegay in ay siweyn ugu soo dhaweynayaan gollaha wasiirrada dhawaan lagu dhawaaqay oo sida uu hadalka u dhigay ka duwan kuwii ka horeeyay.

"Waxaan oran karnaa tiro iyo tayo ahaanba waa mid ka duwan xukuumadii ka horeeyay, waxaana muuqata in madaxda sare ee dowladda si wanaagsan uga fiirsadeen magacaabistan," ayuu yiri Maxamed Nuur Caga-joof.

Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayuu ku booriyay in ay ogolaadaan xukuumada waqtina u siiyaan in ay gudato waajibaadka shaqo ee hor yaala.

Xukuumada  oo maanta Sabti ah lagu waday in ay hor tagto xildhibaannada ayaa la sheegay in uu dib u dhac yimid qorshihii ay barnaamijkeeda ku horgeyn laheyd fadhiga baarlamaanka.

Waxaa uu sheegay afhayeenka maamulka gobollka in ay si buuxda ula shaqeyn doonaan xukuumada marka ay ka hesho codka kalsoonida xildhibaannada baarlamaanka Sooomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Baladweyne, Soomaaliya