4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 10, 2012
Iskahorimaad ka dhacay Degmada Afgooye iyo Ciidamada Dowladda oo Laba Ruux oo rayid ah ku toogtay Degmadaas
Sabti, November 10, 2012 (HOL) — Iskahorimaad ay ku dhinteen saddex qof oo mid ka mid ah uu ahaa shacab ayna ku dhaawacmeen afar qof oo kale ayaa maanta ku dhexmaray ciidammo kawada tirsan dowladda Soomaaliya koontaroolka degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada hoose.

Ciidamadan oo kala ahaa milateri iyo nabadsugid ayaa la sheegay inuu soo dhex-galay khilaaf ka dhashay lacago lacag laga qaado koontaroolkaas iyadoo ciidamadii dagaalamay ay ka dhinteen laba askari.

Maamulka degmada Afgooye ayaa kala dhexgalay ciidamadii uu dagaalku u dhexeeyay iyadoo xaaladdu ay caadi kusoo laabatay, waxaana mas'uuliyiin ka tirsan maamulka degmada ay ka gaabsadeen inay faahfaahin ka bixiyaan dagaalka.

Dagaalkan ayaa noqonaya kii ugu cuslaa ee degmada Afgooye ku dhexmara ciidan kawada tirsan dowladda Soomaaliya, waxaa degmadan ay gacanta dowladda iyo AMISOM ku jirtaa tan iyo bartamihii sannadkan markaasoo laga saaray Al-shabaab.

Dhanka kale, ciidammo ka tirsan kuwa dowladda ayaa laba qof oo shacab ah ku dilay degmada Afgooye, kuwaasoo ay uga shakiyeen inay ka tirsan yihiin xoogagga Al-shabaab, waxaana maydka labadan qof ee la dilay ay yaallaan halkii lagu dilay.

Goobjoogayaal ku sugan degmada Afgooye ayaa saxaafadda u sheegay in markii uu dhammaaday iskahorimaadkii u dhexeeyay ciidamada dowladda kawada tirsan ay dib u billowdeen isku socodkii gaadiidka isaga gooshi jiray Muqdisho iyo deegaanno ka tirsan gobollada koonfureed ee dalka.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya