3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 10, 2012
Iskahorimaad ka dhacay Degmada Afgooye iyo Ciidamada Dowladda oo Laba Ruux oo rayid ah ku toogtay Degmadaas
Sabti, November 10, 2012 (HOL) — Iskahorimaad ay ku dhinteen saddex qof oo mid ka mid ah uu ahaa shacab ayna ku dhaawacmeen afar qof oo kale ayaa maanta ku dhexmaray ciidammo kawada tirsan dowladda Soomaaliya koontaroolka degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada hoose.

Ciidamadan oo kala ahaa milateri iyo nabadsugid ayaa la sheegay inuu soo dhex-galay khilaaf ka dhashay lacago lacag laga qaado koontaroolkaas iyadoo ciidamadii dagaalamay ay ka dhinteen laba askari.

Maamulka degmada Afgooye ayaa kala dhexgalay ciidamadii uu dagaalku u dhexeeyay iyadoo xaaladdu ay caadi kusoo laabatay, waxaana mas'uuliyiin ka tirsan maamulka degmada ay ka gaabsadeen inay faahfaahin ka bixiyaan dagaalka.

Dagaalkan ayaa noqonaya kii ugu cuslaa ee degmada Afgooye ku dhexmara ciidan kawada tirsan dowladda Soomaaliya, waxaa degmadan ay gacanta dowladda iyo AMISOM ku jirtaa tan iyo bartamihii sannadkan markaasoo laga saaray Al-shabaab.

Dhanka kale, ciidammo ka tirsan kuwa dowladda ayaa laba qof oo shacab ah ku dilay degmada Afgooye, kuwaasoo ay uga shakiyeen inay ka tirsan yihiin xoogagga Al-shabaab, waxaana maydka labadan qof ee la dilay ay yaallaan halkii lagu dilay.

Goobjoogayaal ku sugan degmada Afgooye ayaa saxaafadda u sheegay in markii uu dhammaaday iskahorimaadkii u dhexeeyay ciidamada dowladda kawada tirsan ay dib u billowdeen isku socodkii gaadiidka isaga gooshi jiray Muqdisho iyo deegaanno ka tirsan gobollada koonfureed ee dalka.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya












Click here
11/10/2012 8:15 AM EST
Sabti, November 10, 2012 (HOL) — Mas’uuliyiinta maamulka gobollka Hiiraan ayaa soo dhaweeyay xubnaha gollaha wasiirrada ee uu dhawaan ku dhawaaqay ra’iisal wasaare Cabdi Faarax Shir-doon, iyaga oo dhinaca kalana ka dalbaday baarlamaanka uu codka kalsoonida siiyo xukuumada.

11/10/2012 7:06 AM EST
Sabti, November 10, 2012 (HOL) — Dowladda Shiinaha iyo Midowga Africa ayaa kala saxiixdey heshiis lagu xoojinayo howlgalka ciidamada Midowga Afrika ee ku sugan Soomaaliya, kaasoo dhigaya in dowladda Shiinaha ay 12-milyan oo doollarka Mareykanka ah ugu deeqdo ciidamada AMISOM.

11/10/2012 6:54 AM EST
Sabti, November 10, 2012 (HOL) — Bishan November sagaalkeedda oo ku beegan geeriddii Alla ha u naxariistee suxufigii weynaa Maxamuud Cabdi Shidde ayaa ururka saxaafadda Somalland u aqoonsatay inay tahay maalinta xoriyatul qawlka iyo warbaahinta madaxabannaan ee Somaliland, maadaama uu marxuumkaasi ahaa ninkii hirgaliyey wargeysyadii ugu horeeyey ee madax banaan ee dalka ka soo baxa, isla markaana noqday muwaadin u dhaqdhaqaaqa madax banaanidda saxaafadda, dhibaato badana kala kulmey mudadii uu ku hawlanaa hirgalinta warbaahin madax banaan in la helo.

11/10/2012 6:47 AM EST
Sabti, November 10, 2012 (HOL) — Bannaabax lagu taageerayay xukuumadda uu soo dhisay ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shir-doon (Saacid) loogana codsanayay xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya inay codka kalsoonida ah siiyaan ayaa maanta ka dhacay Muqdisho.

11/10/2012 6:29 AM EST
Sabti, November 10, 2012 (HOL) — Xisbiga Talo-wadaag oo ka mid ah asxaabta siyaasadeed ee Puntland ayaa ku baaqay in doorashooyinka madaxweynimo ee Puntland la qabto horraanta sannadka cusub ee 2013-ka, waxana xisbugu uu sidoo kale eedeyn u jeediyay hoggaanka sare ee Puntland.

11/10/2012 3:25 AM EST
Sabti, November 10, 2012 (HOL) —Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Raaskaambooni ayaa saaka xiray guud ahaan wadooyinka dhexmara degmada Kismaayo, iyadoona askar fara badan lagu soo daadiyay xaafadaha kala duwan ee magaalada.

11/10/2012 2:52 AM EST
Sabti, November 10, 2012 (HOL) — Afhayeenka Xarakada Al-shabaab, Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sheekh Cali Dheere) iyo guddoomiyaha gobollada Jubbooyinka ee Al-shabaab, Sheekh C/raxmaan Xudeyfa ayaa sheegay in magaalada Kismaayo ay tahay meel looga taliyo dalka Kenya, balse aysan ka talin dowladda Soomaaliya.

11/10/2012 2:47 AM EST
Sabti, November 10, 2012 (HOL) — Ardeyda Jaamacada Gabiley ee Tima-cadde Universty ayaa mudaharaad ay kaga cabanayaan qaabka ay komishanka doorashooyinka ula dhaqmeen ardaydaasi oo ay sheegeen inay tahay wax ka duwan sida jaamacadaha kale ee dalka loola dhaqmay.

11/10/2012 2:27 AM EST
Sabti, November 10, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in la sameynayo guddi baaritaanno ku sameeya dilalka loo geystay suxufiyiinta Soomaaliyeed, isagoo sheegay inaan loo dulqaadan doonin wariye kale oo la dilo.

11/10/2012 2:19 AM EST
Sabti, November 10, 2012 (HOL) — Komishanka doorashooyinka Somaliland ayaa madaxweynaha ka codsaday inuu wax ka qabto masuuliyiin xukuumadda ka tirsan oo ku dhex milmay ololaha xisbiyada.

11/10/2012 1:29 AM EST
Sabti, November 10, 2012 (HOL) — Qorshe la doonayay in Xukuumadda Soomaaliya lagu horgeeyo maanta oo Sabti ah baarlamaanka Soomaaliya ayaa dib u dhacay, iyadoo aan la ogeyn sababta keentay in xukuumaddu ay hortegi wadydo baarlamaanka.