4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 10, 2012
Dalka Shiinaha oo Malaayiin Doollarka Mareykanka ah ugu deeqay Ciidamada AMISOM ee Howgalka Milateri ka wada Soomaaliya
Sabti, November 10, 2012 (HOL) — Dowladda Shiinaha iyo Midowga Africa ayaa kala saxiixdey heshiis lagu xoojinayo howlgalka ciidamada Midowga Afrika ee ku sugan Soomaaliya, kaasoo dhigaya in dowladda Shiinaha ay 12-milyan oo doollarka Mareykanka ah ugu deeqdo ciidamada AMISOM.


Lacagtan ayaa loogu talogalay in ciidamada AMISOM ay u isticmaalaan qalab ahaan si ay ugu adeegsadeen howgalka ay ka wadaan koonfurta Soomaaliya, iyadoo tani ay noqonayso markii labaad oo dowladda Shiinaha ay lacago badan ugu deeqdo ciidamada ka socda Midowga Afrika.

“Heshiiskan wuxuu gacan weyn ka geysanayaa howgalka AMISOM ee ka socda gudaha dalka Soomaaliya, kaasoo lagu doonayo in lagu soo celiyo deggenaashihii iyo kala dambeyntii burburtay labaatan sano ka hor,” ayuu yiri Earstus Mwencha oo ah ku xigeenka guddoomiayaha ururka Midowga Afrika.

Soomaaliya ayaa waxaa ku sugan 17,000 oo askari oo ku howgalaya magaca AMISOM, kuwaasoo ka socda dalalka Uganda, Burundi, Kenya, Jabuuti iyo Sierra Leone, kuwaasoo dagaal adag kula jira xoogagga Al-shabaab.

Dhaqaalaha ay xukuumadda Shiinuhu ugu deeqday howgalka AMISOM ee hoostaga Midowga Afrika ayaa wuxuu kusoo beegamayaa iyadoo golaha ammaanka ee UN-ku ay muddo kooban oo afar bilood ah ku kordhiyay howgalkan, halkii ay markii hore uga kordhin jireen howlgalkan muddo sannad ah.

Shiinaha oo dhaqaalihiisu kor u socdo ayaa xilliyadii dambe gacanta kula jiray Afrika isagoo xarun casri ah uga dhisay ururka Midowga Afrika magaalada Addis Ababa, taas oo ay ku kacday balaayiin dollarka Marykanka ah.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya