4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 10, 2012
Magaalada Hargeysa oo laga xusay Maalinta Saxaafadda xorta ah ee Somaliland

Sabti, November 10, 2012 (HOL) —  Bishan November sagaalkeedda oo ku beegan geeriddii Alla ha u naxariistee suxufigii weynaa Maxamuud Cabdi Shidde ayaa ururka saxaafadda Somalland u aqoonsatay inay tahay maalinta xoriyatul qawlka iyo warbaahinta madaxabannaan ee Somaliland, maadaama uu marxuumkaasi ahaa ninkii hirgaliyey wargeysyadii ugu horeeyey ee madax banaan ee dalka ka soo baxa, isla markaana noqday muwaadin u dhaqdhaqaaqa madax banaanidda saxaafadda, dhibaato badana kala kulmey mudadii uu ku hawlanaa hirgalinta warbaahin madax banaan in la helo.

Ururka Saxaafadda Somaliland, ayaa maanta soo qaban qaabiyey xuska maalinta xornimada iyo madax banaanidda warbaahinta, kaas oo sanad walba maalintaas oo kale laga xuso Somaliland si loo xasuusto dhibaatooyinkii kala duwanaa ee warbaahinta Somaliland soo martay iyo doorkii dib u dhiska iyo nabadeynta ay ku lahayd.

Xuskan waxa ka soo qaybgalay agaasimaha warbaahinta, ururadda saxaafadda, wariyeyaasha ka hawlgala magaaladda Hargeysa, gudoomiyaha urur siyaasadeedka UMMADDA, xildhibano iyo siyaasiyiin kale.

Xoghayaha guud ee ururka saxaafadda ee SOLJA Maxamed Rashiid Muxumed Faarax ayaa warbixin uu kaga hadlayo xadhiga wariyeyaasha ku soo badana Somaliland madasha ka sheegay , waxaanu sheegay in mudadii ay xukumadan  Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo jirtay  uu batay xadhiga wariyeyaashii in ka badan saddexdii  madaxweyne ee dalka soo maray xidheen.

“Xadhiga waryeyaashu waxay ka badan yihiin saddex jeer mudadii ay saddexda xukumadood ay soo mareen Somaliland, xukuumaddii Cabdiraxmaan Axmed Cali, xukuumaddii Maxamed X ibraahim Cigaal, xukuumaddii Daahir Rayaale ayey ka badan yihiin intii xukuumaddani mdaxweyne Siilaanyo jirtay inta wariye ee la xidhay”ayuu yidhi xoghayaha ururka saxaafadda, isago xukuumadana ka dalbaday in la helo cidii ka dambaysay wariyihii dhowaanta lagu dilay magaaladda Laascaanood oo noqonaya  suxufigii ugu horeeyey ee Somaliland lagu dilo.

“Marxuum Maxamuud Cabdi Shide waxa uu keenay madbacadii ugu horeeyey dalka  2,February,1995kii,  waxaanu ii sheegay mar aan ku idhi saxaafada dhaqaale ma leha maxaad dhaqaalaha intaas leeg u galinaysa ee aad ku falaysaa waxa uu igu  jawaabay waxaan doonayaa in ninkii cadhoodaa inta uu gacanta ku ciil bixi lahaa oo uu gacan ka hadal samayn lahaa, inuu qalinka ku ciil baxo  si uu u nafiso”ayuu yidhi Axmed Siciid Cige oo ka waramay kaalintii kobcinta ahayd ee uu ku lahaa warbaahinta marxuumkan la xusayo.

Sidoo kale, waxa isna halkaasi ka hadlay Xildhibaan Axmed Ducaale oo ka tirsan golaha Wakiiladda Somaliland kana mid ahaa wariyeyaasha waaweyn ee Somaliland ayaa ka waramay dhibaatooyinkii ay la soo mareen warbaahinta, waxaanu sheegay inay suxufiyiinta ay saaran tahay xil ka culus ta dawladda, wax kasta oo ay qorayaana ka fiirsadaan.

“Saxaafada waxaan odhan lahaa in masuuliyada saaran inay ka culus tahay ta dawladda saaran, aniga kalmad aan qoray baa maxkamadda laygu geeyey oo golihii wakiiladda ee wakhigaasi igu dacweeyaan, waxaan qoray wakhti mooshin la keenay golaha Wakiiladda ayaan qoray xildhibaanadii oo  Balag loo lulay, waxa la igu qabsaday kalmadaasi  (balag baa loo lulay), marka  eray qudha ayaa dhibaato kuu keeni kara, waayo anigu si baan u macnaystay iyaguna si kale ayey u macnaysteen”ayuu yidhi Xildhibaan Axmed Ducaale  oo hore u ahaa  Tifaftirihii wargeyska Haatuf oo dhibaatada erayada qaar oo aan laga fiirsan keeni karaan.

 Sidoo kale, waxa aad looga dooday oo  madaxweynaha laga codsaday in aanu ansixin xeerka hay’ada Sirdoonka oo ay ku jiraan qodobka faaf reeb ku samaynaya warbaahinta, taas oo si weyn uga qayliyeen warbaahinta madaxa banaan.

Waxa isaguna arrinta faaf-reebka aad ugu nuux nuuxsaday gudoomiyaha ururka UMMADDA Dr: Maxamed Cabdi Gaboose oo sheegay waxyaalaha ay xukuumadda isku diideen inay ahayd awoodda hay’adan sirdoonka la siinayo, taas oo dhibaato badan u keeni karta ummadda,waxaanu aad u dhaliilay goleyaasha baarlamaanka ee xeerkaasi ansixiyey, isla markaana ku tilmaamay inay noqdeen golihii shacabka ee Nidamkii Siyaad Bare ee aan waxna diidi jirin, kana hor iman jirin xukuumaddaasi.

Sidoo kale, waxa iyana halkaasi ka hadlay wariyeyaal ruug cadaa ah oo ka waramay kaalintii ay Somaliland ku lahaayeen warbaahinta madaxa banaan iyo dib u dhiskii qaybta ay ku lahaayeen.



Barkhad-Ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online 
[email protected]
Hargeysa, Somaliland