Xisbi Siyaasadeedka Talo-wadaag oo ku baaqay in doorashooyinka Madaxweynenimo ee Puntland la qabto Horraanta 2013
Sabti, November 10, 2012 (HOL) — Xisbiga Talo-wadaag oo ka mid ah
asxaabta siyaasadeed ee Puntland ayaa ku baaqay in doorashooyinka
madaxweynimo ee Puntland la qabto horraanta sannadka cusub ee 2013-ka,
waxana xisbugu uu sidoo kale eedeyn u jeediyay hoggaanka sare ee
Puntland.
Guddoomiyaha xisbigan, Maxamed Cilmi Cabdalla oo Muqdisho shir
saxaafadeed ku qabtay Jimcihii shalay ayaa sheegay in doorashooyinka
Puntland ay ka harsan yihiin muddo konton maalmood ah, loona baahan
yahay inay ku dhacaan xilligooda.
"Waxaan ku baaqaynaa in doorashada Puntland ay ku dhacdo xilligii loogu
talogalay oo bisha Jannaayo ee sannadkan 2013," ayuu yiri guddoomiyaha
xisbiga Talo-wadaag, isagoo intasa ku daray in maamulka Puntland uu
joojiyo caburinta dhinaca siyaasadda iyo xorriyadda hadalka ah.
Sidoo kale, guddoomiyaha xisbigan ayaa sheegay in shacabka iyo
saxaafadda ka jirta Puntland aysan haysan xorriyad ay ku cabiri karaan
fikirkooda laguna baahin karo wararka xaqiiqada ah, isagoo sheegay in
taasi ay tahay mid meel-ka-dhac ku ah xorriyatul qowlka ama xorriyadda
hadalka.
Guddoomiyaha xisbiga Talo-wadaag ayaa sheegay in ciidamada Sarisan ee
Puntland ka howlgala ay dhibaatooyin ku hayaan shacabka deegaannadaas ku
nool; isagoo dalalkii ay ka yimaadeen ciidamadaas ka dalbaday inay wax
ka qabtaan dhibaatada ay ciidamadoodu ku hayaan shacabka Puntland.
Gebogebadii shirka jaraa'id ayuu guddoomiyaha Xisbiga Talo-wadaag wuxuu
ka dalbaday shacabka iyo waxgaradka Puntland inay badbaadiyaan jirtaanka
Puntland, isagoo dhanka kalena ugu baaqay madaxweynaha Puntland
C/raxmaan Faroole in uusan gacantiisa ku burburin Puntland.
Si kastaba ha ahaateen hadalka kasoo yeeray guddoomiyaha Xisbiga
siyaasiga ah ee Talo-wadaag ayaa kusoo beegmaya xilli dhawaan uu
ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya uu ku eedeeyay maamulka Puntland
inuu caburin ku hayo shacabka ku nool deegaannadaas, tasoo maamulka
Puntland uu iska fogeeyay.
Dhawaan ayaa waxaa Puntland ka hirgalay hannaanka xisbiyada badan kaasoo
la doonayo in looga qaybgalo doorashooyinka hoose iyo kuwa madaxnimo ee
Puntland, iyadoo tani ay meesha ka saarayso hannaankii hore ee lagu soo
dooran jiray madaxda Puntland.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya