4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 10, 2012
Xisbi Siyaasadeedka Talo-wadaag oo ku baaqay in doorashooyinka Madaxweynenimo ee Puntland la qabto Horraanta 2013
Sabti, November 10, 2012 (HOL) — Xisbiga Talo-wadaag oo ka mid ah asxaabta siyaasadeed ee Puntland ayaa ku baaqay in doorashooyinka madaxweynimo ee Puntland la qabto horraanta sannadka cusub ee 2013-ka, waxana xisbugu uu sidoo kale eedeyn u jeediyay hoggaanka sare ee Puntland.


Guddoomiyaha xisbigan, Maxamed Cilmi Cabdalla oo Muqdisho shir saxaafadeed ku qabtay Jimcihii shalay ayaa sheegay in doorashooyinka Puntland ay ka harsan yihiin muddo konton maalmood ah, loona baahan yahay inay ku dhacaan xilligooda.

"Waxaan ku baaqaynaa in doorashada Puntland ay ku dhacdo xilligii loogu talogalay  oo bisha Jannaayo ee sannadkan 2013," ayuu yiri guddoomiyaha xisbiga Talo-wadaag, isagoo intasa ku daray in maamulka Puntland uu joojiyo caburinta dhinaca siyaasadda iyo xorriyadda hadalka ah.

Sidoo kale, guddoomiyaha xisbigan ayaa sheegay in shacabka iyo saxaafadda ka jirta Puntland aysan haysan xorriyad ay ku cabiri karaan fikirkooda laguna baahin karo wararka xaqiiqada ah, isagoo sheegay in taasi ay tahay mid meel-ka-dhac ku ah xorriyatul qowlka ama xorriyadda hadalka.

Guddoomiyaha xisbiga Talo-wadaag ayaa sheegay in ciidamada Sarisan ee Puntland ka howlgala ay dhibaatooyin ku hayaan shacabka deegaannadaas ku nool; isagoo dalalkii ay ka yimaadeen ciidamadaas ka dalbaday inay wax ka qabtaan dhibaatada ay ciidamadoodu ku hayaan shacabka Puntland.

Gebogebadii shirka jaraa'id ayuu guddoomiyaha Xisbiga Talo-wadaag wuxuu ka dalbaday shacabka iyo waxgaradka Puntland inay badbaadiyaan jirtaanka Puntland, isagoo dhanka kalena ugu baaqay madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole in uusan gacantiisa ku burburin Puntland.

Si kastaba ha ahaateen hadalka kasoo yeeray guddoomiyaha Xisbiga siyaasiga ah ee Talo-wadaag ayaa kusoo beegmaya xilli dhawaan uu ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya uu ku eedeeyay maamulka Puntland inuu caburin ku hayo shacabka ku nool deegaannadaas, tasoo maamulka Puntland uu iska fogeeyay.

Dhawaan ayaa waxaa Puntland ka hirgalay hannaanka xisbiyada badan kaasoo la doonayo in looga qaybgalo doorashooyinka hoose iyo kuwa madaxnimo ee Puntland, iyadoo tani ay meesha ka saarayso hannaankii hore ee lagu soo dooran jiray madaxda Puntland.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya