4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 10, 2012
Guddi Farsamo oo ka socda shirka maamul u sameynta Jubbooyinka oo Kismaayo ku Wajahan iyo Ammaanka oo la adkeeyay

Sabti, November 10, 2012 (HOL) —Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Raaskaambooni ayaa saaka xiray guud ahaan wadooyinka dhexmara degmada Kismaayo, iyadoona askar fara badan lagu soo daadiyay xaafadaha kala duwan ee magaalada.

Arintani ayaa ka danbeeysay kadib markii la sheegay in magaalada Kismaayo ay kusoo wajahanyihiin guddi farsamo oo kasocda shirka maamul u sameynta Jubooyinka ee bilooyinkii u danbeeyay ka socday magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya.

Dadka ku dhaqan Kismaayo ayaa lagu wargeliyay in aysan maanta furin ganacsigooda, waxaana sidoo kale maanta xiran waxbarashadii iyo isu socodkii gaadiidka ee gobollada dalka.

“Ciidamo ayaa wadooyinka lagu soo daadiyay, ganacsiga magaalada wuu xiranyahay, dadkana waxaa lagu wargeliyay in ay yareeyaan dhaqdhaqaaqa,” ayuu yiri C/laahi Cali oo kamid ah dadka deegaanka oo HOL u waramay.

Masuul ka gaabsaday magaciisa oo katirsan dhaqdhaqaaqa Raaskaambooni ayaa HOL u sheegay in la filayo in ay magaalada soo gaaraan guddi farsamo oo u gogol xaari doona shirka maamul u sameynta Jubooyinka ee la filayo in Kismaayo loo soo wareejiyo.

“Ammaanka magaalada siweyn ayaa loo adkeeyay, waxaana la filayaa in uu yimaado guddi farsamo oo ka socda shirka maamulka loogu sameynayo gobollada Jubooyinka,”ayuu yiri masuulkani oo qadka teleefonka ugu waramayay HOL.

Dadaallo la doonayo in shirka loogu wareejyo magaalada Kismaayo ayaa mudooyinkii u danbeeyay ka socday magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya.

Shirka maamul usameynta gobollada Jubooyinka oo uu soo agaasimay urur goboleedka IGAD ayaa bilooyinkii u danbeeyay wuxuu ka socday magaalada Nairobi, wallow madax katirsan dowladda Soomaaliya ay kasoo horjeesteen shirkan la filayo in maamul loogu sameeyo sedexda gobol ee kala ah Jubada Hoose, Jubada Dhexe iyo Gedo.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya