4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 10, 2012
Xarakada Al-shabaab oo sheegtay in Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose aysan ka talin Dowladda Soomaaliya
Sabti, November 10, 2012 (HOL) — Afhayeenka Xarakada Al-shabaab, Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sheekh Cali Dheere) iyo guddoomiyaha gobollada Jubbooyinka ee Al-shabaab, Sheekh C/raxmaan Xudeyfa ayaa sheegay in magaalada Kismaayo ay tahay meel looga taliyo dalka Kenya, balse aysan ka talin dowladda Soomaaliya.

Sheekh Cali Dheere ayaa sheegay in Kismaayo ay tahay magaalo maamulkeeda ay la wareegeen ciidamada Kenya ee ku sugan, isagoo xusay inay taasi caddeynayso in guddi ay dowladda u dirtay magaaladaas loo diiday inay galaan.

"Dalalka ay Kenya ka mid tahay waxay doonayaan inay magaca dowladda ay ku qabsadaan Soomaaliya, waxaan u sheegaynaa madaxda dowladda ee sheeganaya inay yihiin aqoonyahanno ay ka hortagaan kuwa doonaya inay dalka qabsadaan," ayuu yiri Sheekh Cali Dheere.

Sidoo kale, guddoomiyaha gobollada Jubbooyinka ee Xarkada Al-shabaab, Sheekh C/raxmaan Xudeyfa ayaa sheegay in ciidamada Soomaalida ee ku sugan Kismaayo aysan waxba ka ahayn halkaas, balse ay ka taliyaan ciidamada Kenya, taasna ay keentay in wafdi ka socday dowladda Soomaaliya loo diiday inay magaaladaas galaan.

"Magaalada Kismaayo waxaa ka talina ciidmada Kenya, horay ayaana dhowr jeer uga dignay in ciidamada Kenya ay doonayaan inay qabsadaan magaalada Kismaayo balse aysan ka saarayn Al-shabaab," ayuu yiri Sheekh Xudayfa oo sheegay inay sii wadi doonaan dagaalka ay kula jiraan ciidamada AMISOM.

Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa Al-shabaab laga qabsaday bishii Oktoobar ee lasoo dhaafay, iyadoo Arbacadii toddobaadkii hore loo diiday inay magaaladaas galaan wafdi ka socda dowladda Soomaaliya oo u kuur-galayay dhoofinta dhuxusha ee dekedda Kismaayo ka socota.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya