4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 10, 2012
Madaxweynaha Soomaaliya oo sheegay in la sameynayo guddi baaritaan ku sameeya dilalka loo geysto Suxufiyiinta Soomaaliyeed

Sabti, November 10, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in la sameynayo guddi baaritaanno ku sameeya dilalka loo geystay suxufiyiinta Soomaaliyeed, isagoo sheegay inaan loo dulqaadan doonin wariye kale oo la dilo.

Madaxweynaha ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu la yeeshay uu shalay oo jimco ahayd kula yeeshay xaruntiisa Muqdisho qaar ka mid ah wariyeyaasha Soomaalida oo ay ku jireen kuwo 36-saacadood ku xayirnaa garoonka magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

"Dowladdu waxay sameynaysaa guddi baaritaanno ku sameeya wariyeyaashii la dilay sannadkan, loomana dulqaadan doono in wariye kale la dilo," ayuu yiri Xasan Sheekh oo dalbaday in hay'adaha ammaanka gacan lagu siiyo sidii dambiilayaashii dilay 18-kii wariye ee sannadkan la dilay lagu horkeeni lahaa sharciga.

Wariyeyaashii la kulmay madaxweynaha ayaa waxay ka sheekeeyeen cabsida weyn ee haysata, iyagoo ka dalbaday dowladda inay xil iska saarto dadaalna u gasho sidii looga hortegi lahaa wariyeyaasha la dilayo.

Soomaaliya ayaa kaalimaha hore kaga jirta dalalka ugu khatarta badan ee lagu dilo wariyeyaasha; waxaana sannadkan lagu dilay gudaha Soomaaliya 18-wariye, kuwaas oo intooda badan lagu dilay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Inkastoo hadalka madaxweynaha ay ku qanceen suxufiyiintii la kulmay ayaa haddana qaar ka mid ah suxufiyiinta Soomaalida waxay sheegeen in hadalka kasoo yeeray madaxweynaha Soomaaliya uu la mid noqonayo kii uu horay u yiri Shariif Sheekh Axmed oo ahaa madaxweynihii dowladdii KMG ahayd ee Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya