4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 10, 2012
Dib u dhac ku yimid Qorshe la doonayay in Xukuumadda cusub lagu horgeeyo Maanta Baarlamaanka Soomaaliya
Sabti, November 10, 2012 (HOL) — Qorshe la doonayay in Xukuumadda Soomaaliya lagu horgeeyo maanta oo Sabti ah baarlamaanka Soomaaliya ayaa dib u dhacay, iyadoo aan la ogeyn sababta keentay in xukuumaddu ay hortegi wadydo baarlamaanka.

Xidhibaananda baarlamaanka Soomaaliya ayaa kulankooda maanta waxay kaga doodayaan xeer hoosaadka baarlamaanka oo maalimihii ugu dambeeyay ay ka doodayeen, iyadoo aan la ogeyn xilliga xukuumadda la horgeyn doono baarlamaanka.

"Dib u dhac ayaa ku yimid kulan baarlamaanka lagu horkeeni lahaa xukuumadda, kaasoo ay kusoo bandhigi lahayd qorshaheeda siyaasadeed, baarlamaankuna wuxuu gudo galay ka doodista xeer hoosaadyadiisa," ayuu yiri mudane baarlamaanka ka tirsan oo HOL la hadlay.

Kulanka maanta ayaa lagu waday inay baarlamaanka ku horyimaadaan ra'iisul wasaare Saacid iyo golihiisa wasiirrada si codka kalsoonida ah loogu qaado, iyadoo aan si dhab ah loo ogeyn sababta keentay inuu saacadihii ugu dambeeyay lagu dhawaaqo in qorshahaas uu baaqday.

Banaanbaxyo lagu dalbanayo in xukuumadda cusub ee Soomaaliya la ansixiyo ayaa saakay ka dhacay qaybo ka tirsan magaalada Muqdisho, kaasoo ay dadweynihii ka qaybgalay kula dalbanayeen in xukuumadda cusub la siiyo codka kalsoonida.

Xukuumaddan oo noqonaysa tii ugu tirada yarayd ee la dhiso muddo ka badan 40-sano ayaa waxaa ku jira laba wasiir oo haween ah, iyadoo sidoo kale xukuumadda ay noqonayso tii ugu horreysay oo wasaaradda arrimaha dibadda u magacowday haweeney.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya