4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 9 , 2012
Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya oo kasoo horjeestay in xilka laga qaado Maareeyaha Dekedda Muqdisho

Arbaco, May 09, 2012 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdiweli Maxamed Cali ayaa diiday in xil ka qaadis lagu sameeyo maareeyaha dekedda Muqdisho inta lagu jiro xilligan kala guurka ah, kaddib markii uu dhawaan madaxweynuhu xilka ka qaaday maareeyaha.

Madaxweynaha iyo ra'iisul wasaaraha ayaa xalay kulan saacado qaatay ka yeeshay muranka ku saabsan xil ka qaadista maareeyaha dekedda Muqdisho, Sayid Cali Macallin Cabdulle, inkastoo labada mas'uul aysan wax natiijo ah ka gaarin kulankooda.

Wararka hoose ee la helayo ayaa sheegaya in madaxweynuhu kuu ku adkeysanayo in xilka la qaado maareeyaha, halka ra'iisul wasaaruhu uu dalbaday inaan xilka laga qaadi karin xilligan kala guurka ah, uuna howlihiisa sii wato.

"Ra'iisul wasaaruhu wuxuu kasoo horjeestay gabi ahaan in xilka laga qaado maareeyaha, isaga iyo madaxweynuhuna way isku kihlaafeen arrintan," ayay HOL kasoo xigatay ilo wareedyo ku dhow ra'iisul wasaaraha Soomaaliya.

Sheekh Shariif ayaa toddobaadkii hore ku qanciyay maareeyaha dekedda inuu xilka isaga dago, iyadoo maareeyuhuna uu aqbalay go'aankaas, balse waxaa arrintan ka hoos-dhashay diidmada ra'iisul wasaaraha xukuumadda KMG ah ee ku aaddan inaan xilka laga qaadi karin xilligan maareeyaha.

Wararka ayaa waxay sheegayaan in maareeyaha dekedda Muqdisho uu howshiisa sii wato, iyadoo muranka madaxweynaha iyo ra'iisul wasaaruhuna uu gaaray meel sare inkastoo aan la ogeyn sida ay xaaladdu isku bedeli karto.

Dekedda Muqdisho ayaa ah isha ugu weyn ee dowladda KMG Soomaaliya ay ka hesho dhaqaalaha ay ku shaqeyso, waxaana murankan aan la ogeyn inuu saameyn ku yeelan karo howlaha dekedda iyo in kale.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya