4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 7 , 2012
Dowlada Japan oo gaadiid iyo qalab kale ugu deeqday Ciidanka Booliska Soomaaliyeed (SAWIRRO)


Isniin, May 07, 2012— Dowladda Japan ayaa maanta ku wareejisay Dowlada KMG deeq ay ugu tala gashay Ciidanka Booliska Soomaalyeed. Deeqdaan ayaa ka koobanayd 16 Land Cruiser, 2 Ambulance 2 gaari oo kuwa ciidanka lagu qaado ah iyo jaakadaha laga xirto xabadda ( Bullet proof Jackets ) iyo koofiyadaha aan xabaddu karin.

Ugu horrayntii waxa ka hadlay xafladdii qalabkan lagu wareejinayey Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaalyeed Gen. Shariif Shiikhunaa oo si aad ah uga mahadceliye deeqdaan ballaaran ee dowlada Japan, waxaana uu u xusay inaysan ahayn deeqdaan tii ugu horraysay oo ay ka helaan dowlada Japan, wuxuuna xusay in ay sidoo kale qayb libaax ka qaataan mushaaraadka ciidanka iyo qalabayntoodaba isla markaana ay rajaynayaan in deeqdaan aysan noqon doonin tii ugu dambaysay

Gen. Sheekunaa waxaa uu intaas ku daray in qalabkaan lagu wareejiyey  uu wax badan ka badali doono tayeynta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed siina laba jibaarayaan dadaalkooda ku aaddan soo celinta nabadda iyo kala danbaynta.


Waxaana isna xafladda ka hadlay Safiirka Japan ufadhiya dalka Kenya  Amb. Shahisa Takeda oo sheegay inay tahay markii ugu horraysay oo uu yimaado magaalada Muqdisho aadna uu ugu faraxsan yahay suo dhaweynta loo sameeyey. Waxaa kale oo uu sheegay in Shacabka Japan deeqdaan ay ka timid uguna talagaleen inay ku caawiyaan walalahooda Soomaaliyeed siina wadi doonaan qalabaynta iyo dhismaha Ciidanka Booliska Soomaaliya, dhawaana ay soo gaarsiin doonaan qalab kala duwan.

Sidoo kale waxaa khudbad kajeediyey wasiirka Arimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Cabdi Samad Macalin Maxamuud wuxuuna dhankiisa sheegay in deeqdaan ka timid shacabka iyo dowlada Japan ay sare u qaadi doonto awoodda ciidanka Booliska una sahli doonto in Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed wax weyn ku soo kordhiyaan sugidda nabadgelayada.


Ugu danbayntii waxaa goobta ka ka hadlay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Dr. Cabdi Wali Maxamed Cali Gaas waxaana uu mahadcelin baallaran u jeediyey Dowladda iyo Shacabka Japan, waxaana uu intaas ku daray Ra’iisul Wasaare Gaas in Dowlada Japan ay muddo dheer la garab taagnaayeen taageero nooc kastaba leh, oo ay ka mid tahay wadamada ka caawiya dalka Soomaaliya tababaridda iyo qalabaynta Ciidanka Booliska Soomaaliya.

Xafladdaas kaddib waxaa kale oo uu ra’iisul wasaare Gaas kulan kula qaatay Muqdisho safiirka Faransiiska u fadhiya dalka Kenya Amb. Etiennia de Poncins, wuxuuna Ra’iisul wasaaraha hambalyo u diray shacaka dalka Faransiiska doorshadii ay doorteen Madaxweynahooda cusub Francios Hollande sidoo kale waxay ka wada hadleen xariirka soo jireenka ah ee  u dhexeeya labada wadan.





Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya
Muqdisho, Soomaaliya