4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 7 , 2012
In ka badan 20-ruux oo xanuunno kala duwan qaba oo la dhigay Isbitaalka Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose

Isniin, May 07, 2012 (HOL) — Waxaa Isbitalka magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose la gaarsiiyay dad gaaraya ilaa 20 qof kuwaa oo la ildarnaa xanuuno kala duwan, waxaana dadkani kamid ah dad ay aad u liidato xaaladooda caafimaad.

Maamulka Isbitalka guud ee magaalada Kismaayo ayaa xaqiijiyay in tirada dadka la keenay Isbitalka ay gaareeyso ilaa 20 qof, kuwaa oo la ildaran cudurro ay kamid yihiin Maleeriyo, Jadeeco, Nafaqa Darro iyo weliba cudurro kale.

Mid kamid ah Howlwadeenada Isbitalka Kismaayo oo ka gaabsaday in magaciisa la xigto ayaa HOL u sheegay in dadkani la ildaran xanuunada kala duwan laga kala keenay xaafadaha kala duwan ee magaalada iyo weliba tuulooyinka ku dhow dhow Degmada Kismaayo.

Masuulkani ayaa sidoo kale sheegay in ay wadaan dadaallo loogu gurmayo dadkan ay soo riteen xanuunada kale duwan, walow uu sheegay in isbitalka ay ka jirto dawo yari iyo weliba qalabka caafimaad oo aad ugu yar, islamarkaasina ay ka cabsi qabaan in ay fulin waayaan adeegyada dhanka caafimaadka hadii ay sii socdaan bukaanada soo gaaraya Isbitalka.

Isbitalka Guud ee magaalada Kismaayo oo ah isbitalka ugu weyn ee gobollada Jubooyinka ayaa mudooyinkii u danbeeyay ahaa mid ay ka jirto dhibaato dawo yari ah, maadamaa afartii sano ee ugu danbeeysay aysan jirin hay'ad isbitalka ka caawineysay dhanka adeegyada caafimaadka, waxaana dadka ku dhaqan degmooyinka kala duwan ee Jubooyinka ay dawooyin u raadsadaan isbital yar oo ku yaal tuulada Mareerey ee gobolka Jubada Hoose, kaasoo ay gacanta ku heyso hay'adda MSF Holland.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya