4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 6 , 2012
Dalka France oo Madaxweyne Cusub yeeshay


Axad, May 06, 2012-Dalka Faransiiska ayaa markii ugu horreysay muddo 17 sano ah yeeshay madaxweyne ka socda Xisbiga Socialist Party ee dalkaas, kaasi oo lagu magacaabo Francois Hollande.

Madaxweynaha cusub ayaa wuxuu 51%  cod kaga adkaaday Madaxweynihii hore Nicolas Zarkozy oo helay 49% cod.  Madaxweynihii hore Zarkozy oo natiijada doorashada kaddib hadlayna waxaa uu sheegay in uu masuuliyad muujinayo isla markaana uu aqbalayo in doorashadii looga adkaaday.

Taageerayaashiisa ayuu u sheegay in uu sameeyay wixii uu karay sidaas darteedna uu aqbalayo natiijada doorashada, hayeeshee waxaa la arkayay taageerayaashiisa oo ay u cuntami la’ dahay natiijada doorashada isla markaana ilmeynaya.

Dhinaca kale madaxweynaha la doortay ee Hollande ayaa isna wuxuu jeediyay hadal diblumaasiyadeysan oo uu kula hadlay dadka dalka Faransiiska, kaasi oo uu ugu sheegay in uu ka dhabeyn doono ballanqaadyadii uu sameeyay ee lagu doortay.


Si liddi ku ah taageerayaasha Zarkozy waxaa la arkayay taageerayaasha Hollande oo aad u faraxsan, isla markaana iyagoo faraxsan  ku dabaal-degaya waddooyinka waa weyn ee dalka Faransiiska.

Sida ay u dhacday doorashadan waxaa ka muuqata in Faransiiska uu qaadayo dhabbo ka duwan dhabbihii uu ku soo maamulayay Madaxweynihii xilka ka degay ee Zarkozy, kaasi oo saameyn xooggan ku lahaa dhaqdhaqaaqyada dhaqaale-mileteri-siyaaso ee dalalka ku jira midowga Yurub, waana la eegi doono siyaasadaha uu la soo baxo madaxweynaha cusub ee Faransiiska.





Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]